Sunday, August 11, 2013

Maxamed Cali Ismaaciil: Askariga Derejada qaatay looma baahna inuu Makhaayadaha Suqua Jaad la fadhiisto, isagoo Lebisan”.


Hargeysa(GNA)-Guddida diyaarisay derejada ciidamada Qalabka sida ee Somaliland, ayaa saraakiisha Biladaha qaatay ee ciidamada kala duwan u soo jeediyay inay ilaaliyaan haybada Derejooyinka la siiyay.




Askarta ayaa loo soo jeediyay inaanay  maalaha aan bilicda wanaagsanayn  la fadhiisan Xidigaha la siiyay ama derejada, balse ay dhawraan Karaamada ay huwantahay iyo Milgaha dawladnimo ee loo xidhay.




“Askariga Derejada la siiyay looma baahna inuu meel aan haboonayn la fadhiisto, inoo Gidaar la fadhiisto oo uu Jaad kula fadhiisto Makhaayadaha, waxa loo baahanyahay inuu haybadda derejada ilaaliyo, oo aanu intuu jaad soo qaato la fadhiisan Makhaayadaha iyadoo ay biladihii ku tolanyihiin, waxaanan asakrta kula talin lahaa inay Ilaaliyaan qiimaha ay leedahay derejadu, waayo waxay sitaan Calankii dalka, wasiiradu calaamad aanay sidan ayay sitaan”sidaasi waxa yidhi Maxamed Cali Ismaaciil oo xubin ka ah Guddida oo maanta ka hadlay Telefishanka Qaranka.




Ciidamada kala duwan ee qalabka sida ee Somaliland ayaa badankooda la qarameeyay xiliyo ay waddanka ka jireen duruufo siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale oo aan saamaxayn inay helaan tababar ku filan oo dhinaca Maamulka ah, balse taasi bedelkeeda ay la qabatimeen la dhaqanka Bulshada caadiga ah ee ay u shaqeeyaan.




Asarta ayaa inta badan lagu arkaa iyagoo lebisan inay suuqa la maraan Jaadka ama iyagoo ku qayilaya meel aan muuqaal qurux badnayn, isla markaana Makhaayadaha lagu qayilaa ka mid yihiin,  taasoo ah waxyaabaha iminka laga reebayo inay sameeyaan iyagoo ku lebisan derejada Ciidanka.




Si kastaba ha ahaatee dadka aqoonta ciidan ee sare qaatay xiligii dawladii somaliya jirtay ayaa sheegaya in  aad loo ilaalin jiray Haybadda iyo Haykalka derejada, isla markaana talaabo laga qaadi jiray askariga ku xad-gudba shuruucda u taalay ciidamada ee dhanka derejada iyo akhalaaqda.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com