Hargeysa(GNA)-Taliyaha Ciidanka Bilayska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa markii ugu horaysay ka hadlay qaabka ay u dhacday hawsha derejo siinta Ciidanka Bilaysku iyo Cabashooyinka ka soo noqday.
Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo Maanta la hadlay warbaahinta, ka dib tabashooyin isa soo tarayay oo maalmahan hadheeyay Ciidamada Bilayska oo ka cabanaya qaabka loo qiimeeyay Derejooyinka la siiyay iyo musuqmaasuq iyo laaluush qaarkood sheegeen inuu ka jiro hawshaasi, ayaa ku dooday inay si cadaalad ah u qaybiyeen derejooyinkii loogu tali galay Bilayska.
Taliyaha ayaa sidoo kale hambalyo u diray Askarta qaadatay derejooyinka iyo Guddida soo diyaarisay qorshaha derejo bixinta.
“Waxaan Hambalyo u dirayaa Ciidanka Bilayska Somaliland ee derejooyinka qaatay Nin waliba wixii Ilaahay uga qoray, waxa kale oo hambalyo u dirayaa Guddida soo diyaarisay Derejooyinka ooh awl fiican qabtay”ayuu sheegay.
Taliyuhu isagoo sharaxaya habka ay u maamuleen derejooyinka waxa uu yidhi “Derejooyinka waxaanu u qaybinay si wanaagsan, wixii cabasho ah ee jirana waxaan leeyahay cidii wax tabanaysa waa loo diyaar oo waanu la hadlaynaa, laakiinse fariinta aan halkan ka gudbinayaa waxay tahay arimaha Ciidanka yaan la siyaasadayn oo afraad koobani dhinac kale uga faa’idaysan, waayo ciidanku waa tiirka koowaad ee dalka, markaa looma baahna in hawshooda lagu deg-dego”.
Hadalka taliyaha ayaa ku soo beegmaya xili mugdi ku jiro qaabka Ciidanka Bilayska loogu qaybiyay Derejooyinka, taasoo dhaliilo badan iyo eedeymo kala duwan looga soo jeediyay, Taliska Ciidankaasi.
Dhaliilaha iyo Tabashooyinka ka soo baxaya Bilayska ee arintan la xidhiidha ayaa sheegaya inay jiraan askar tiro badan oo ku soo baxay Liiska Derejo siinta, kuwaasoo mudo dheer ka maqnaa ciidanka oo dib suuqa looga yeedhay, isla markaana la siiyay derejo, halka laga tegay boqolaal ku taamayay in looga faa’ideeyo fursada koowaad hawshan oo wakhti dheer soo shaqaynayay.
Sidoo kale waxa la sheegay in askarta liiskaasi ku soo baxday qaarkood la waayay iyo dhanka cabashada oo ah in Saraakiil aan helin derejo Laaluush laga qaatay oo sidaasi lagu siiyay, iyadoo ay dhamaana ilo-wareedyada Gobanimonews arimahan ka heshay farta ku godayaan dhinaca Taliska Ciidankaasi oo dadka qaarkood sheegeen inay ku hafteen sidii ay hawshan ugu fulin lahaayeen si cadaalad iyo Maamul wanaag ka muuqdo.
Si kastaba ha ahaatee tabashooyinka iyo Gol-daloolooyinka ka soo baxay qaabka loo maamulay Derejooyinka Ciidanka, ayaa waxa dejiyay Guddida hawshan soo diyaarisay oo maalin saddexaad warbaahinta ka sheegay inay dib u eegis ku samaynayaan cabashooyinka jira, ka dibna xal u raadin doonaan, taasoo markii hadalkaasi ka soo baxay rejo iyo niyadsamaan ku abuurtay Askarta wax tabanaysa, sida ay noo sheegeen saraakiil Ciidanka ka tirsani.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com