(GNA) Warbaahinta reer galbeedka ayaa todobaadkii aynu soo dhaafnay waxa ay aad uga hadleen
gabadh dhashay ilmihii ugu horeeyay iyada oo 41-jir ah iyaga oo ka dhigaya in ay mucjiso tahay hadaba gabadhan oo inta aaneyn ogaan in ay uur leedahay u haysatay xanuun ku soo kordhaya caloosheeda, ayey warbaahinta qaarkeed ciwaan uga dhigeen
Haweeney 21-sanadood Guri lahayd oo ilmihii ugu horeeyay dhashay,
Amanda Ross 41 jir ah oo udhalatay dalka Britain ayaa dhawaan waxa ay dhashay ilmihii ugu horeeyay nolosheeda iyada oo mudo 21 sano aan qaadin wax Uur ah islamarkaasina ay ku noqotay lama filaan mudo ka dib markii ay ku aragtay qalabka uurka hooyada ayaa ay xaqiiqsatay oo ay isku aqoon satay qof Uur leh waxayna ku fakaraysay inay tahay calool xanuun maadama hore ay dhaqaatiirtu usheegeen in aaney dhali doonin waligeed maadama uu xanuun ka hayay dhanka Ilmo galeenka ama makaanka .
Amanda oo ka warbixinaysa nolosheeda ayaa usheegtay jariirada Daily Mail habka ay ku sugnayd xili ay u tagtay Dhaqtar xanuunyada Caloosha oo ay xiligaas aaminsanayd inay ka bukoonayso caloosha oo ugu badnayd maroojin iyo xanuunyo kale ,mudo kadib baadhis ay ku sameeyeen Dhaqaatiirta ayaa waxa ay usheegeen inay Haweeneydaas ay tahay gabadh Uur leh iyada oo ay ku noqotay layaab iyo amakaag aad u badan.
Amanda ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in ay haatan ku faraxsanatahay in ay noqoto Hooyo haysata Caruur xili ay da’deddu ay kor udhaaftay 40 Sannadood.
Diyaariye:C/qaadir Askar
Gobanimonews.com
askars4@hotmail.com