Burco(GNA)-: iyadoo ay Mudooyinkii u danbeyayba ay jirtay Dhawaaq Ba’an oo ka soo Yeedhayay dadka ku dhaqan Kaamamka Barakacayasha burco isla markaasna ay Haayada NRC ku Eedaynayaan inay ku Kacday Musuq-Masuq Xadhkaha Goostay, ayaa habeenkii xalay ahaa Kulan Uu soo abaabulay Maamulaha Shirkada Sharaabka SPI Ee G/Togdheer Faysal Maxamed Cismaan oo eedahaasi looga jawaabayay ka dhacay gudaha xaafada koosaar.
Kulankani uu soo abaabulay masuulkani ka tirsan shirkada sharaabka ayaa ujedadiisu ahayd sidii ay u difaaci-lahayeen Haayada NRC Xafiiskeda Magalada burco Oo ay Hore dadkaasi barakacayasha ahi ugu Eedeyeen inay musuq-masuqday guryo ay ka dhisi lahayd Xafadaasi.
Masuulkani ayaa waxa uu halkaasi isugu keenay dad Uu ka Soo Ururiyay Gudaha Magalada burco isla markaasna aan ahayn dadkii barakacayasha ahaa ee deganaa xafadaasi.
Madaxda Haayada lagu Eedaynayo Musuq-Masuqani NRC Xafiskeeda burco ayaa isugu ah mid wakhtigan miciin biday inuu soo abaabulo dad Aan ahayn kuwii hore Eedaynta u soo jeediyay balse ay lacag ah ku soo kiraysteen, kuwaasoo xalay ku hadlayay afka xafadaasi isla markaasna amaan baladhan kula dulkufay hayadaasi.
Qorshahani xalay ay soo ababuleen Masuliyinta haayada NRC ayaa isugu fashilmay ka dib markii goobtii laysugu yimi laga dhex-waayay dadkii barakacayasha ahaa ee deganaa kaamkaasi.
Ugu Horaynba waxa halkaasi ka hadlay Maamulaha Shirkada Sharaabka SPI Ee G/Togdheer Faysal Maxamed Cismaan isla markaasna ah Masuulka Qandaraaska Haayada NRC kaga soo Qaatay sidii loo Difaaci-Lahaa Musuq-Masuqa Lagu Eedaynayo Hayadaasi.
Mr: Faysal ayaa isagu ah shakhsi isku haya laba xil kuwaasi oo kala ah Mamulaha shirkada SPI iyo Waliba qaybinta Raashin ay Hayadasi siiso Xafadaha ay ku dhaqan yihiin dadka barakacayasha ahi.
isagoo la hadlayay dadkaasi uu soo abaabulayna waxa ka mid ahaa hadaladisii "Waxaynu Caawa Halkan isugu nimi inaynu ku tagerno Haayada NRC Waxqabadkii ay u qabatay Xaafada Kosaar.Haayada NRC Waxaynu odhan-karnaa waa haayada kaliya Ee Hayadaha Degan G/Togdheer Ugu Waxqabadka Badanle.Waxaana lay nooga baahan yahay sidii aynu gacan tageero ugu fidin lahayn hayadaasi" ayuu yidhi Faysal.
Gudomiyaha Xaafada Kosaar Maxamed Axmed Sheri Oo ay hore dadka barakacayasha ah ee degan xafadaasi ay ugu Eedeyeen inuu qayb ka yahay musuq-masuqa lagu Eedaynayo NRC Oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi "Waxaynu halkan isugu nimi inay ha’yada NRC ku Gacan-Qabano Waxqabadka ay ka wado G/Togdheer.Runtii Haayadani waxay xaq inoogu leedahay inaynu siino Bilad Sharaf. Dadkii ayaantii dhawayd hadlay waxay ahayeen kuwo Carqaladaynaya Jiingadaha ay NRC ka Dhisayso Xafada Kosaar Waxaananu u aragnaa Cadowga Kosaar.Waxaan halkan ka cadaynayaa in dhawaan dadkii Eedeyay Hayadaasi inay aanay haba-yaratee ku jirin qof degan xafaada kosaar " ayuu yidhi Gudomiyaha Kosaar
Sidoo kale Waxa iyaguna ka hadlay Faarax Yuusuf Gudomiye ku xigenka Kosar.C/Laahi Baxayr Maxamed.Xafladani dadka laga soo Daad-gureyay magalada burco Xubno isku Sheegay inay yihiin waxgaradka G/Togdheer waxaanay dhamaantood Eedayn Baladhan u soo jeediyeen dadka Barakacayasha ah ee Degan Xaafada Kosaar Kuwaasi oo ah dad Danyar ah isla markaasna soo bandhigay dareenkooda ku Aadan Waxqabad la-aan ay haayada NRC kale kulmeen.
Dadka Barakacayasha ah ee Xafadaasi Kosaar ayaa dhawaan Banaan-Bax Baladhan Oo ay ka Hor-dhigeen Dowlada Hoose Burco Waxay Hayadaasi Xafiiskeeda Magalada Burco ku Eedeyeen inay Musuq-Masuqday Guryo ay ka Dhisi-lahayd Xafadaasi.
Ugu Danbayntii Waxa Mudooyinkii U Danbeeyayba isa soo Tarayay Eedayn ay Haayada NRC Xafiiskeeda burco usoo Jedinayaan Kaamamka Kale Duwan Ee ay ku Dhaqan Yihiin Dadka Barakacayasha ahi.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com