Friday, August 16, 2013

SLN:Maamul xumo hadhaysay Derejo qaybinta Ciidanka Socdaalka iyo Saraakiil Alifleyaal Qaatay oo laba Cisho ka dib Gaashaanleyaal loo dalacsiiyay


Hargeysa(GNA)-Iyadoo ay wali taaganyihiin Cabashooyinka ka soo noqday Derejo qaybinta Ciidamada kala duwan ee dalka, ayaa waxa soo baxaya  warar sheegaya in Musuqmaasuq iyo wax daba marin dhinaca Maamulka ah ay hadhaysay derejo siinta Ciidanka laanta socdaalka Somaliland.




Sida Gobanimonews u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan laanta socdaalku, Saraakiil ka mid ah Ciidankaasi, ayaa mudo saddex maalmood gudahood ah, lagu taxay laba derejo oo kala sareeya, kuwaasoo markii hore la siiyay Derejooyin u dhexeeya Xadhigle ilaa laba Alifle, hase ahaatee dhawr maalmood gudahood, hadana Gaashaanleyaal laga dhigay.




Arintan ayaa la sheegay inay soo baxday iyadoo ay jireen tabashooyin Askar ka mid ah Ciidankaasi ka qabeen heerka derejooyinka la siiyay, kuwaasoo sida la sheegay markii ay ka war heleen cabashadoodu cirka isku sii shareertay, isla markaana si weyn uga biyo diiday askarta lagu dalacsiiyay maalmaha kooban, oo qaarkood markii horeba ay saluugsanaayeen heerka lagu qiimeeyay.




Ilaa 7 sarkaal oo uu ku jiro Taliyaha Laanta Socdaalka ee Wajaale ayaa Gobanimonews loo xaqiijiyay in mudada kor ku xusan lagu siiyay Bilado ka sareeya kuwii hore loogu tolay,kuwaasoo dhamaantood laga dhigay Gaashaanleyaal.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Taliska ciidanka Socdaalka oo ku saabsan sababta dhalisay in laba derejo oo kala hooseeya askarta lagu siiyo mudo gaaban, iyadoo Taliyaha Laanta socdaalka oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino noo suurto geli wayday inaanu helno ka dib markii xafiiskiisa aanu ka waynay Maanta, isla markaana Telefoonkiisu noo bixi waayay.




Saraakiishan Gaashaanleyaasha laga dhigay ayaa ah niman dhalinyaro u badan oo mudo dhawr sanadood ah ku jiray Ciidanka Socdaalka, waxaana laga sareysiiyay sida la sheegay kuwo wakhti dheer ka soo shaqeynayay Laanta socdaalka, kuwaasoo markii ay arintan cabashada kaga jawaabeen taliyahoodu u balan qaaday inuu xalinayo tabashadooda.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Saraakiisha la dalacsiiyay loo kala diray Goboladda, gaar ahaan Saaxil iyo Saylac, halka markii horeba qaarkood ay haysteen Xafiisyo ay madax ka ahaayeen.




Dadka arintan la socda ayaa qaarkood talaabadan u sibir-saarayaan inay ku timi cadaadis Taliyaha lagu saaray inuu wax ka bedelo qaabkii loogu soo gudbiyay Derejada ciidanka, halka qaarkoodna ay sheegayaan in go’aamadan isburinayaa ka  yimaadeen dhinaca Guddida Derejooyinka soo diyaarisay oo hore u sheegay inay xalinayaan wixii cabasho ka soo noqda hawsha ay qabteen.




Cabashooyinka Derejo qaybinta ka soo noqday ayaa waxa ugu darnaa Ciidamada Bilayska oo si weyn loo dareemay in mugdi badani ku jiray hanaanka loo maamulay Derejooyinkooda, iyadoo  waxyaabaha cabashada keenay ay ka mid ahaayeen Saraakiil aanay u soo bixin derejadu oo la siiyay iyo Taliyeyaal Saldhig oo askartii ay maamulayeen  laga saraysiiyay.




Sidaasoo ay tahay hadana Bilayska dhexdiisa kamay dhicin, in Askari maalmo kooban lagu dalacsiiyo, sida ka dhacday Laanta socdaalka oo arintaasi buuq iyo Muran ka dhex abuurtay hada.




Si kastaba ha aahaatee Guddida Diyaarinta Derejooyinka oo hore u sheegay inay xalinaayan cabashooyinka ka soo noqday hawshii ay qabteen, ayaan la ogayn go’aanka ay arintan ka qaadan doonaan, waxaase looga baahanyahay inay maamul xumada inta le’eeg wax ka qabtaan, taasoo hadii ay dibada u soo wada baxdo Ciidamada wada sadhaynaysa.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com