Gar-adag(GNA)-Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dhalinyaradda, ciyaaraha iyo dalxiiska Md. Maxamed Xuseen Dhabbeeye iyo wefti wasaaradiisa ka tirsan oo uu hogaaminayo ayaa gaadhay magaalada gar-adag ee Gobolka Sanaag.
Degmada Gar-adag ayaa lagu wadaa inuu ka furmo Tartan ciyaareed oo ay ka qayb-gelayaan ilaa shan degmo oo kala tirsan Goboladda Sanaag, saraar iyo Sool.
Agaasimaha guud oo ay socdaalkiisa ku wehelinayaan Agaasime waaxeedada ciyaaraha iyo dalxiiska ee wasaradaasi Md. Maxamed Nuux Jibriil iyo Md Maxamed Ibraahim Diiriye ayaa ujeedada socdaalkoodu waxa ay ku saabsan tahay sidii ay uga qayb geli lahayeen furitaanka tartanka kubadda cagta ee nabadda oo ah koob ay ku tartamayaan shanta degmo ee kala ah Gar-Adag, Caynabo, Ceel Afweyn, Xuddun iyo Oog.
Dadweynaha degmada gar-adag oo ay horkcayeen Maayarka magaaladaasi Faarax Aadan Ciise iyo Saraakiisha ciyaaraha ee degmadaasi ayaa soo dhaweeyey weftiga ka tirsan wasaaradda ciyaraha ee soo gaadhay degmadaasi.
Socdaalkan Agaasimaha ayaa noqoya kii ugu horeeyay ee uu Gobolada ugu baxo, tan iyo markii loo magacaabay Wasaaradda Ciyaaraha, Dal-xiiska iyo Dhalinyarada.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com