Friday, August 16, 2013

Burco: Maamulka Gobolka iyo Cisbitaalka guud oo Xukuumadda ka dalbaday inay la Wareegto horumarinta Adeegyada Cisbitaalka


Burco(GNA)-Maamulka Gobolka Togdheer ka wasaarada caaafimaadka ee gobolka Togdheer iyo waliba maamulka Degmada Burco ayaa si wada jir ah markii ugu horaysay uga hadlay,Ka bixitaankii ay ka baxday Hay,ada MSF Cisbitaalka Guud ee magaalada Burco kaas oo ay gacanta ku haysay mudo sadex sano ah oo ay adeega uu u baanyahay iyo mushagharka dhaqaatiirtaba ay iyadu bixinjirtay,waxaanay ha,adu markaliya shalayto ku wargalisay,Wasaarada caafimaadka iyo maamulka Gobolkaba inay shaqadii ay ka waday laga Bilaabo 14/8/2013 ay joojisay isla markaana ay u guurayaan dalka kiiniya  oo fadhigoodu yahay.waxaanay ha,adu qoraalkeeda ku sababaysay in ay Gobolkan oo ay somaliland ka hawlgali jirtay ay uga baxday Xaalad Amani daro taas oo ay sheegtay inay uga baxayso Baqdin ay ka baqayso in kooxaha djibaatada ka wada Somaaliya inay halkan soo gaadhaan oo dhibaato ugu gaystaan shaqaaleheeda.




Gudoomiyahay Gobolka Togdheer Axmed Cumar X.C/laahi (Xamarji) oo ugu horayn shir Jaraa,id oo ay wada jir ugu qabteen maamulka Gobolka iyo ka degmadu Xarunta maamulka gobolka isagoo ka hadlaya waxa uu yidhi''aad baanu uga xunahay tegideeda oo aanay somalind intaas ay gobolka joogtay  wax hadidaad  iyo nabadgelyo daro ahna kala kulmin,waxaana uga mahadnaqaynaa sidii wacnayd hay,adan sidii fiicnayd ee ay u shaqayn jirtay,waxaanan mar labaad miidhiyaha u marinaynaan MSF in adeegii caafimaad ee ay qabanjirtay loo baahanyahay,hadii bixidooda aanu ka nimaadno qaran baanu nahay oo waanu isku tashandoontaan waanu socndoonaa,dhamaana dhakhaatiirtii shaqaynjirtay waxay sheegeen inay kaalin toodii buuxindoonaan oo ay lacag la,aan ku shaqayndoonaan.




Isuduwaha Wasaarda Caafimaadka G/Togdheer Cabdi yaasiin X.Saleebaan ayaa isna halkaas ka hadlay,ayaa isna ydhi’’arintan Ha,ada MSF waxay u dhacday si degdega oo aan ku talogal lahayn waxay uun keeneen oo nagu soo war galiyeen waraaqahan oo ay yidaahdeen laga bilaabo 14 ka bishanwaanu joojinay shaqadii aanu ka wadnayu cisbitaalka magaalada Burco,waxaa kale oo ay ku soo qoreen sababta ay uga bexeen waxay yidhaahdeen waxaa nalooga gaystay koonfurta somaaliya dhibaatooyin,waxaana ka mid ah dad lagu laayay xafiis ay leeyihiin oo muqdisho ku laayay sanadkii 2011 oo ay leeyihiin ninkii dilay inta la qabtay ayaa la sii daayay iyo laba dumar ah oo lagu afduubay xerada dhadhaab ee kiiniya oo dadkii afduubay ay lasoo galeen somaaliya,waxaanay warqadan ku qoreen oo waxyaabaha ayb ku baxeen ah Somalilan waxba nagaga ma dhicin nee kooxixii koonfur ayaanu ka baqaynaa inay halkan noogu yimaadan.Mushkilada kaliaya ee jirtaa waxa weeye wakhti namay siin ee maanta ayaanu baxaynaa bay uun yidhaahdeen,waxay ahayd inay yidaahdaan markaasaanu baxaynaa ee hawlihiina isku hagaajista,waxaan u arkaa inay dambi galeen oo iyadoo aan wax wakhti ah aanay na siin waxaanan ku dedaalaynaa in aanu hoos u dhicin oo ay shaqdeeedu socondoonto oo waanu is waraysanay wasaradii ilaa agaasime iyo wasiir,ayuu isuduwuhu kaga baxay hadalkiisii.




Maayar ku xigeenka Degmada Burco Muxumad Xasan Jaamac(Xoday) iyo Agaasimaha Cusbitaalka Magaalda Burco C/qaadir Muruqliqe ayaa isaguna alkaas ka sheegay inay ka cusbitaal ahaan iyo Degmo ahaan xil wayn iska saari doonaan sidii ay hawshii cisbitaalka halkaas ka wadi doonaan.




Dhanka kale Cusbitaalka Magaalada Burco oo aanu isagana Booqanay ayaanu kula kulanay dhakhaatiirtii ka hawlgalaysay iyo dadBukaan jiif ah.Dr-Cabdoo Nabane ka mid ah dhakhaatiirta ugu waawayn ee Gobolka Togdheer oo aanu kula kulanay isbitaalka  isagoo qaliin ku jira ayaa waxa uu balan qaaday inuu dadwaynaha ugu shaqayn doono sidii uu markii hore ay ugu shqayn jireen iyo mid ka badan ba waxanu dadwaynaha ugu baaqay inaanay waxba ka warwain ee ay fulin doonaan saqadii ay uiga barteen cisbitaalka.




Maamulaha waadhka  Umulisada Saynab okay ayaa iyaduna iyadoo ku sugan waadka umulaha Gobanimonews u sheegtay inay bishii ku umulaan waadhka in ka badan Afar Boqol oo dumar ahi Bisii kuwaas oo kala yimaada dhamaanba dhulka ay somaalidu degto,waxaanay iyaduan sheegtay inay sii wadayaan shaqada ay u hayaan umada waxna u noqonayn lacagtii gunada ahyd ee ay bixinjirtay hay,ada MSF.




Ugu danbayntii qaar ka mida Bukaanka iyo dadkii hayay ayaa Xukuumada ugu baaqay inay Buuxiso kaalintii ay ka baxday hay,ada MSF.




Axmed Muuse




Gobanimonews




Burco Office