Hargeysa(GNA)-xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mida xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa soo dhaweeyey darajooyinka lagu taxay ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile waxa uu dhaliilay hogaanka ciidanka Police-ka Somaliland uu ku eedeeyey inay fursad siin waayeen dhalinyarada ku jirta ciidanka Police-ka ee u baahan yahay inay mustaqbal la wareegaan hawlaha ciidanka.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile waxa uu sheegay in darajooyinka la siiyey ciidamada Asluubtas,Qaranka iyo Ilaalada Xeebaha ay tahay mid si sax u dhacday balse waxa uu dhaliilay qaabka ciidanka Police-ka loo maray darajadooda.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ugu horayn ka hadlaya darajooyinka ciidanka la siiyey waxa uu yidhi “ciidamada asluubta, ciidamada ilaalada bada iyo ciidamada qaranka waxaan qabaa in 80% ay sax tahay sida loogu qaybiyey darajooyinka, cabasho lagama waayo meel wax lagu bilaabayo, waxaanay ku xidhan tahay hogaanka ciidanka sida uu iskugu xidhan yahay, ciidanka qaranka, ciidanka Asluubta iyo ciidanka ilaalada bada waxa ka muuqata ciidanimo,
Hogaanka ciidamadaasi way ka qayb qaateen darajooyinka bixintooda marka laga tago guddida qiimaynta ee darajooyinka, waana arin ka fog qabiil oo ka fog fara galin kale”. Ayuu u sheegay HCTV.
Maxamed Faarax Qabile oo hadalkiisa sii wata ayaa dhaliilay qaabka loo bixiyey darajooyinka ciidanka Police-ka “Ciidanka Police-ku waa ilaaliyaasha sharciga, waana ciidankii nabad galyada iyo amniga ilaalinayey, waxaan qabaa in gal daloolooyin badan leeyihiin, waxay u baahan yihiin dhisme, taliskooda guud-na waxa uu gabay inuu u diyaariyo sida ciidamada kale inamadii dhalinyarada ahaa ee saraakiisha daashay badali lahaa, waxaanu siin waayey fursadii ay ciidamada kale siiyeen dhalinyaradooda ay u diyaarinayeen mustaqbalka, waana arin uu masuul ka yahay taliskoodu ee maaha mid u taala guddidan qiimaynta darajada ciidamada”.
Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile waxa uu ugu danbayntii soo jeediyey inaan la siyaasadayn darajooyinka la siiyey ciidamada kala duwan ee Somaliland, isaga oo madax dhaqameedka iyo siyaasiyintana ugu baaqay inay bixinta darajada ciidamada kala duwan ee qaranka u daayaan masuuliyiinta xukuumada oo aanay faro gelin ku samayn.
Hadalka xildhibaanka ayaa maalin uun ka dambeeyay markii Guddida u xilsaaran hawsha derejooyinku sheegeen inay wixii cabasho ah ee jira dib u eegis ku samaynayaan, isla markaana saxayaan wixii khaldan.
Geesta kale wali Taliska ciidanka Boolisku kamay jawaabin cabashooyinka iyo Eedeymaha looga soo jeedinayo hanaanka ay u maamulayaan derejo qaybinta, taasoo muujinaysa inay wax ka jiraan tabashooyinka Ciidanka.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com