(GNA) Ordoyahan Mo Farah ayaa mar kale taariikh ka sameeyay orodka caalamka markii uu noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee British ah ee ku guuleysta orodka 10,000m ee adduunka, tartanka ciyaaraha fudud ee adduunka ee shalay (Sabtid) ka furmay Moscow.
Sanad ka hore ayeey aheyd markii Mo Farah uu ku guuleystay biladaha dahabka ah ee orodka 10,000m iyo 5,000m ciyaarihii Olympic-da London, laakiin 30- jirkaa ayaa horey u qaaday talaabo kale oo uu taariikhdaasi ku soo celinayo markii uu caasimadda Russian guul ku helay.
Xiddiga reer London wuxuu fagatax kaga tagay wiilkii sanadkii 2011 noqday horyaalka orodkaan Ibrahim Jeilan oo Ethiopia u dhashay markii uu ku orday 27 daqiiqo iyo 21.71 ilbiriqsi. Jeilan oo ku orday (27:22.23) ayaa helay biladda qalinka, taasoo Farah uu 2 sano ka hore ka helay horyaalka adduunka, Paul Tanui oo Kenya u dhashay ayaa biladda maarta helay markii uu ku orday (27:22.61).
Guusha Farah waxey kooxda Great Britain siineysaa biladdii ugu horyesay oo ay ka helaan tartanka adduunka ee ciyaaraha fudud ee maanta ka furmay.
HOOS KA DAAWO
Diyaariye: C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com