Sunday, August 11, 2013

RVP Oo Man Utd Ku Hogaamiyay Koobkii 20-aad Ee Community Shield, Moyes Oo Koobkii Ugu Horeysay Dhadhamiyay.


(GNA) Man United ayaa koobkii 20aad ee Community Shield hanatay ka dib markii ay 2-0 ku dubteen shalay  kooxda heerka labaad ka ciyaarta Wigan Athletic ciyaar xiiso leh oo ka dhacday Wembley Stadium.




Kooxda Shayaadiinta Cas Cas ayay ku qaadatay daqiiqadii 7aad inay hogaanka u qabtaan ciyaarta, iyadoo karoos dheer uu soo qaaday Patrice Evra uu madax ku dhaliyay Robin Van Persie.




Inkastoo United ay ciyaarta ku bilaabtay si fiican islamarkaana koontarooleysay ciyaarta, hadana 10kii daqiiqo ee ugu danbeysay qeybtii hore ayay Wigan Athletic dhaqdhaqaaq bilowday laakiinse ma aaney  helin goolka barbaraha.




Waxaana lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda heysata horyaalka Premier League ee Manchester United.




Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad, daqiiqadii 59aad ayaa United ay hogaanka sii dheereysatay, waxaana mar kale shabaqa u soo taabtay xiddigooda Robin Van Persie kaasoo qaab ciyaareed wanaagsan ku riyaaqaya.




Waxa uu kubad ku helay geeska xerada ganaaxa, isagoo isku qaabeeyay inuu darbo la tiigsado goolka, waxaana darbadii uu tuuray ay ku sii dhacday James Perch taasoo keentay inay kubada shabaqa si habsami leh u dhex gasho.




Waxa ay ciyaarta ku soo dhamaatay guul 2-0 ah oo ay u qalantay Man United, kuwaasoo ku guuleystay koobkoodii 20aad ee Community Shield, waana kooxda ugu guulaha badan koobkan.




Kulankan ayaa sidoo kale ka dhignaa kulankii ugu horeysay ee tababare David Moyes ee tartan rasmi ah tan iyo markii uu bedelay Sir Alex Ferguson waxaana uu ku bilowday guul.
Manchester United: De Gea, Rafael (Smalling 15), Vidic, Jones, Evra, Giggs (Anderson 66), Carrick, Cleverley, Zaha (Valencia 61), Van Persie (Januzaj 82), Welbeck (Kagawa 82)
Bedel aan la isticmaalin: Lindegaard, Evans,
Goolasha: Van Persie 7, 59
Wigan: Carson, Boyce, Barnett, Perch, Crainey, Watson (Gomez 72), McArthur (McCann 63), McCarthy (Dicko 84) , McClean(McManaman, 63), Holt (Fortune 61), Maloney (Espinoza 72)Bedel aan la isticmaalin: Nicholls,




Diyaariye:Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com