Saturday, August 10, 2013

SLN:Cabashooyin Dul-hoganaya qaabka loo Maamulay Derejo bixinta Bilayska iyo Sarkaal lagu xidhay Saluug uu ka muujiyay Biladaha la siiyay


Hargeysa(GNA)-Sarkaal ka tirsan Ciidanka bilayska Somaliland ayaa la sheegay in la xidhay, ka dib markii sida la wariyay uu saluugay derejadda la siiyay oo uu ku dooday inaanu u qalmin.




Muxiya-diin Cabdi Ibraahim oo ka mid ah Saraakiisha Bilayska ee Gobolkan maroodi-jeex oo sida y Saraakiil Bilays ahi cadeeyeen inuu yahay Nin waayo arag ah oo mudo dheer ku soo jiray Ciidanka Bilayska, kana gaadhay heer Hogaan qaybeed, ayaa la siiyay derejada laba Xidigoodle, halka kuwo uu ka aqoon iyo waayo aragnimo badnaana la siiyay Generalo, taasoo sababtay inuu ka biyo diido, markii cawdayna xabsiga loo taxaabo.




Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Bilayska, Muxiyo-diin Cabdi Ibraahim, ayaa hada ahaa Hogaanka hawl-gelinta ee qaybta Bariga Hargeysa, iyadoo ilaa hada aanay Masuuliyiinta Bilaysku wax tafaasiil ah ka bixin ujeedada ka dambeysa xadhigiisa.




Dhanka kale waxa jira warar kale oo sheegaya in la xidh-xidhay saraakiil oo cabasho ka muujisay derejooyinka la siiyay, kuwaasoo xadhigooda aan wali war rasmiya laga ahayn, laakiinse Mareegta Gobanimonews ka heshay ilo-wareedyo xogogaal ah.




Dhinaca kale waxa isa soo taraya cabashooyinka iyo saluuga ay ciidamada Bilaysku ka muujinayaan qaabka loo qabinayo Derejooyinkooda, waxaana la sheegaya  inay  jiraan musuqmaasuq, wax isdaba marin iyo Caaglaysi ku dhex jira hanaanka loo bixinayo derejooyinka Bilayska, taasoo ka dambeysay lama maalmood ka hor markii Taliyayaasha Ciidamada Qalabka sida lagu wareejiyay Caalamadaha Derejooyinka.




Cabashooyinka jira waxa ka mid ah in askar Khibrad leh oo muddo dheer Ciidamada ku soo jiray aan la siin derejooyin, kuwo wakhti kooban ku jirayna la siiyay Derejooyin sare, taasoo sababta ay ku timi loo sibir-saarayo Eex ku dhisan qabyaalad iyo Laaluush la sheegay inay Saraakiisha derejo bixintu qaateen.




Wariyeyaal ka tirsan Mareegtan Gobanimo News Agency oo maalmihii la soo dhaafay u kuur-gelayay qaabka ay u dhacayso hawsha derejo qaybintu, ayaa la kulmay askar badan oo ka cadhaysan in laga qadiyay derejooyinka iyagoo mudo dheer soo shaqaynayay, kuwo qawadsan Heerka lagu qiimeeyay  iyo kuwo la dhacsan Biladaha lagu tolay.




Sidaasoo ay tahay Taliska Ciidanka Bilaysku wali kama ay jawaabin cabashooyinka soo baxaya, waxaanay ka cudur daarteen inay la kulmaan warbaahinta, maalintii shalay oo ay bilaabantay hawshu, wallow la filayo inay maalmaha soo socda qabtaan xaflad wadareed tiro badan oo ka mid ah Askarta loogu xidhayo Biladaha.




Tirada Ciidamada Bilayska ee Derejada loo qoondeeyay ayaa dhan 3000 oo Askari, kuwaasoo u badan Saraakiil sar sare iyo Taliye qaybeedyo, waxaana ku jira Ciidanka Laanta Socdaalka oo aan wali wareegto Madaxweyne oo la shaaciyay  lagu hoos geyn Bilayska, balse Gobanimonews xogo ay heshay xaqiijinayaan in la hoos geeyay Taliska Bilayska.




Si kastaba ha ahaatee arinta ku saabsan Derejo bixinta Ciidamada kala duwan ee dalka oo mudo dheer diyaarinteedu socotay,si weyna Bulshada qaybaheedu u hadal-hayeen maalmahan,  ayaa si weyn isha loogu hayaa qaabka loo maamuli doono iyo sida ay uga soo baxaan Saraakiisha manjaraha u haysa ee loo dhiibay.




Waxaanay taasi ka soo bixisteedu hal-xidhaale ku tahay ugu yaraan  Saraakiishii 2-dii Bishii Feberuary Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku tolay wajigii koowaad ee derejo qaybinta qaran ee hada la bilaabay, kuwaasoo laga sugayo inay si cadaalad iyo qiimeyn sax ahi ku jirto u siiyaan Biladaha Kumanaanka Askari ee ay madaxda u yihiin.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com