Saturday, August 10, 2013

Xukuumadda Ingiriiska oo Diyaarisay Sharci Qofka Eygiisu Qaniino Dadka Kale uu Xabsi Daa’im ku Mutaysanayo.


(GNA) Golaha wasiirrada dalka Ingiriiska, ayaa diyaariyey sharci cusub oo soo jeediyey in mulkiilaha eygiisu si xun u qanniino qof kale lagu xukumo xabsi daa’im aan ka noqosho lahayn.
 
Lix iyo toban qof ayaa wixii ka dambeeyey 2005 ey ku dileen gudaha waddanka Ingiriiska, balse waqtigaas mulkiilayaasha eyda wax qaniina waxa lagu xukumi jiray laba sanno oo xadhig ah, laakiin haatan wasiirradu waxa soo saareen sharci cusub oo dhigaya in qofka eygiisu qaniino ruux kale lagu xukumo ugu yaraan toban sanno oo xadhig ah.
 
Sidoo kale, waxa sharcigan cusub ku jira qofka dila eyda ilaalada ah in uu mutaysan doono xabsi dhan 10 sannadood.
 
Go’aankan, ayaa soo baxay kadib markii wiil yar oo 14 jir ah ku dileen dalka Ingiriiska, waxaana cilmi-baadhisyoo la sameeyey lagu xaqiijiyey in sannad kasta eydu masuul ka yihiin dhaawacyo iyo weerarro loo geystay 210,000 qof, kuwaasoo 6,000 ruux oo ka mid ah cusbitaalka la dhigay.
 
“Waqtigan xukunka lagu xukumo qofka eygiisu xadgudub ku kaco maaha xukun ku filan, balse markii aannu wada-tashi dheer dadweynaha la galnay waxa noo muuqatay in masuuliyiinta leh eyda sida xun dadla u dhaawaca xukun adag lagu rido oo xabsi ah oo noloshiisa xataa uu jeelka ku qaato.” Sidaa waxa yidhi Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiirrada Ingiriiska Mr. Billy Hayes.
 
Sidoo kale, Wasiirka Daryeelka Xayawaanka ee Ingiriiska Mr. Lird De Mauley, ayaa soo jeediyey in xukun adag lagu rido qofka eygiisu dad-cunka noqdo ee dhibaatooyinka u geysta bulshada.
Ibraahim Khadar Siciid