Saturday, August 10, 2013

Mobile casri ah oo u gaar ah Muslimiinta oo dhawaan lasoo saaray:


(GNA) Nin daaci ah (diin fidiye)Ninkan daaciga ah ayaa ah in inta badan dunida islaamka laga yaqaan Dr.Zakir Naik oo ah milkiilaha Tvga Peace sidoo kalena aqoon dheeraad ah u leh cilmiga wax curinta kaasoo u dhashay dalka India laguna magacaabo Zakir ayaa waxa uu hindisay Mobile casri ah kaasoo loogu magac daray NABAD (Peace).




 




Mobile-kan ayaa u shaqeynaya sida mobile-lada casriga ah ee shirkada caalamiga ah, waxa uuna yahay mid Screen Touch ah.




 




Sidoo kale mobile-kan ayaa leh xasuus qaad aad u balaaran, waxa uuna yahay mid noociisu caalamka ku cusub yahay,




 




Arinka ugu xiisaha badan ayaase ah in Mobile-kan uu gaar  u yahay muslimiinta oo qudha maadaama uu daahi Muslim ahi hindisay, sidoo kalena wax yaabaha ku jiraa ay yihiin, Qur’aan, Muxaadaro, Tafsiir iyo dhamaan dhinacyada kala duwan ee barashada diinta oo muuqaal iyo maqalba isugu jira.




 




Waxa uuna Mobile-kani ku shaqeeyaa Internet, qiimaha lagu heli karo ayaana u dhaxeya 250 ilaa 300 oo dollar.




 




Waxaana xusid mudan Mobile-kani inti aanu soo bixin in uu helay dad kumanaan ah oo dalab soo gudbistay si ay nasiib ugu yeeshaan Mobile-kii ugu horeeyay ee qof Muslim ahi hal abuuro.




Mobile ayuu Dr.zakir uu ku soo bandhigay Dubai dabayaaqadii bishii barakeesneed ee ramadaan taas oo ay in dhaha caalamka islaamku soo jiiteen Dr. ayaa balan qaaday in qiimaha mobilka aanu ka badan doonin cadadka lacagta ee aanu kor ku soo sheegnay taas oo uu yidhi baahi xaga shariikada soo saaraya xageeda ka timaada mooyee waxa aanu ku wadnaa qiimihiisu in aanu ka badan 300-dollar




Diyaariye:Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com