Ceerigaabo(GNA)-Wufuud kala duwan ayaa ku soo qul-qulaysa Deegaanka God Hareerin ee Gobolka Sanaag oo Dirir Khasaare ka dhalisay shalay ku dhex maray laba beelood oo halkaasi wada degen.
Dagaalka shalay oo sababay dhimashada 7 Qof oo labada dhinac ka soo kala jeeda iyo dhaawac toban qof gaadhaya, ayaa lagu guulaystay xabad joojin, ka dib markii Ciidamo la kala dhex dhigay labadii maleeshiyo beeleed ee dagaalamay.
Dadka dhintay ayaa xalay saddex ka mid ah la dilay, afart kalena waxay shalay ku dhinteen iska hor-imaad foolka fool ah oo labada dhinac dhex maray.
Xaalada deegaanka shaqaaqadu ka dhacday ayaa saaka degenaanshiyo lagu waa bariistay, manuu dhicin wax iska hor-imaad ah oo dambe, iyadoo xalay ilaa maanta ay ku sii qul-qulayaan Ergooyin nabadeed oo labada dhinac ka shaqaynaya sidii looga hor-tegi lahaa in dhibaato dambe dhacdo.
Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha Gudaha Cali Maxamed waran-cadde, ayaa saaka gaadhay deegaankan oo wax yar u jira degmada Oog, waxaanay gelinkii dambe ee Maanta ku soo laabteen degmada Oog oo xudun u ah waan-waanta nabadeed ee labada Ardaa laga dhex waddo.
Dhinaca kale madaxdhaqameedyo ka soo jeeda Beelaha Somaliland ayaa saaka u kicitimay dhinaca Deegaanka Dagaalku ka dhacay, kuwaasoo ka ambabaxay hargeysa, halka kuwo kalena kaga baxeen Goboladda Saaxil, Togdheer, sanaag iyo Sool, oo dhamaantood looga gurmaday daminta xiisadaasi.
Ergooyinka shaqaaqadan ku baxay, ayaa mid ka mid ahi dhexda ku dhintay, ka dib markii Gaadhi ay la socdeen isaga iyo xubno kale oo madaxdhaqameed ah uu qaaday Dooxa Dacar Budhuq oo biyo xooagni marayeen.
Suldaan Bare Warsame Shire oo ka mid ahaa madaxdhaqameedyad Somaliland ee Ergada ugu baxay Colaada God-hareerin, ayaa ku dhintay shilkaasi gaadhi, waxaana Maydkiisa loo soo qaaday dhinaca Magaalada Hargeysa.
Wariyeha Gobanimonews ee Goboladda Bari ayaa isagoo ku sugan Magaalada Burco, waxa uu sheegay inay si xawli ah u socdaan dedaalada nabadeed ee lagu soo afjarayo Collaada labada beelood ee ood-wadaagta ah, dedaaladaasi oo ay wufuudda halkaasi gaadhay qayb ka tahay.
Dhinaca kale, waxa galabta Magaalada Hargeysa ka ambabaxay wefti isugu jira Masuuliyiin dawlada ka socota, wax-garad, madaxdhaqameedyo iyo xubno kale ka mid ah dadka nabadda ka shaqeeya, kuwaasoo la filayo inay caawa gaadhaan Magaalada Oog, si halkaasi marka laysugu wda yimaado, loo gudo galo xalinta Muranka shaqaaqada abuuray iyo dhibaatadii shalay dhacday.
Geesta kale, Waxa isa soo taraya baaqyada lagu dejinayo Xaalada, kuwaasoo ka soo yeedhaya qaybaha kala duwan ee Bulshada reer Somliland.
Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland ayaa xalay soo saaray baaq uu labada beelood u diray oo uu ku dalbanayo in Xabadda la joojiyo, dhakhsona loo soo afjaro xiisada taagan.
Khasaaraha shalay ayaa dhashay iska hor-imaadka ayaa si weyn u taabtay guud ahaanba Bulshada reer Somaliland, waxaana muuqata in dadku aad uga xunyihiin dhibaatadaasi.
Gobanimonews
Ceerigaabo Office
Email: editor@gobanimonews.com