Hargeysa(GNA)-Mashaariicda ku jira Sanduuqa Mucaawimooyinka Somaliland ayaa la filayaa in bilaha soo socda waddanka laga fuliyo, isla markaana Shirkadda Qandaraaska ku heshay Hagida mashaariicdaasi Xafiiskeeda ka furato Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland si ay u bilowdo hawsheeda.
Arintan ayaa meesha ka saaraysa jiritaanka Warar bilihii la soo dhaafay soo baxayay oo sheegayay in hakad ku yimi hawl-galka Mashaariicda Sanduuqaasi ku jira, ka dib markii cadaadis diblomaasiyadeed iyo caqabado farsamo la soo derseen fulinta mashaariicda horumarineed ee waddanka loo soo mariyay.
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shirre oo shalay Xafiiskiisa ku kulmay ayaa xubno ka socda shirkadda hawshan maamulaysa, ayaa Wargeyska Dawan u xaqiijiyay in bilaha soo socda la bilaabi doono fulinta Mashaariicda lagu yaboohay ee ku jira Sanduuqa.
“Sanduuqa Mucaawimooyinka Somaliland wax hakad ah kumuu iman, waxaanan Maanta la kulmay Shirkada Maamulaysa Qandaraasyada ku jira mashaariicda la doonayo in lagu fuliyo, waxaanay afar shan maalmood ka dib furanayaan Xafiiskooda Hargeysa ee ay hawsha ka maamulayaan, wixii ka dambeeyana waxay gudo gelayaan hawsha, waxaana laga yaabaa inay mudo ku qaadato intay waddanka la qabsanayaan, laakiinse ilaa bisha November waxaan filayaa inuu bilaami doono”ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shirre oo u Waramay Wariye Saleban Cabdi Cali oo ka tirsan Mareegta Gobanimonews iyo Wargeyska Dawan.
Waxaanu wasiirku isagoo sharaxaad ka bixinaya mashaariicda loo qoondeeyay in lagu fuliyo wajiga koowaad ee deeqahaasi, intaasi ku daray “Mashaariicda ku jira Sanduuqa Mucaawimooyinku waxay u badanyihiin Mashaariic lagu horumarinayo wax soo saarka Beeraha, Kalluumaysiga iyo Waddooyinka, waxaana jaan-goynta waxyaabaha lagu fulinayo ka shaqeeyay Guddida Qorsheynta Qaranka”.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com