Hargeysa (GNA)- Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley guddiga akadeemiga daryeelka Afka Soomaaliga oo dhawaan booqasho ku yimid magaaladda Hargeysa.
Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay guddida Daryeelka Af Soomaaliga waxa ku wehelinayey madaxweyne ku xigeenka Md. C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo Wasiirka Warfaafinta iyo wacyigelinta C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse).
Madaxweyne Siillaanyo ayaa soo dhoweeyey guddidan, waxaanu ku dhiirigaliyey inay hawsha baaxadda weyn ee ay hayaan ilaahay u fududeeyo,isla markaana uu ku faraxsan yahay kulankan uu la yeeshay aqoonyahanadda soomaaliyeed ee afka iyo dhaqankaba isku xil saaray ilaalintoodda, sidaasina waxa lagu sheegay Qoraal madaxtooyda ka soo baxay oo arintan lagu faahfaahiyay.
Sidoo kale, guddigan Daryeelka Af soomaaliga oo ka koobnaa shan qof ayaa kala ahaaa Gudoomiyaha Guddida Academy-ga Daryeelka Af-soomaaliga Dr. Maxamed Daahir Afrax, gudoomiye ku xigeenka C/rashiid Maxamed Ismaaciil , Macalinka weyn ee Siciid Saalax Axmed oo Maraykanka ka yimid sanadkastana ka soo qaybgalla bandhiga carwadda buugaagta ee Hargeysa, Macalin Axmed Shiraac iyo Abwaanka weyn ee Maxamed Warsame Hadraawi, waxaanay madaxweynaha uga mahad celiyeen sida qiimaha leh ee uu xafiiskiisa ugu soo dhoweeyey.
Imaanshiyaha Guddida Afka somaliga ee Hargeysa ayaa la xidhiidhay ka soo qayb-gal ay u yimaadeen Carwadii Buugaagta ee Hargeysaoo xalay la soo gabagabeeyay.kana soo qaybgaleen aqoonyahan soomaali iyo ajanabi iskug jirta, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey ku soo bandhigayey khudbaddo iyo buugaag ay qoraan.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo ayaa sanadkii hore Magaalada Jabuuti kaga qayb-galay sanad-guuradii 40-aad ee qorista af-somaliga oo ay Guddidan horsed ka ahayd qaban-qaabada Munaasibadii lagu xusay.
Waxaana Guddidan oo shan xubnoo ka koobnaa ka mid ahaa Abwaanka Weyn ee Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi iyo Maxamed Isaaq Afrax oo ka mid ah aqoonyahanka somaliyeed ee ku foogan horumarinta Luuqada iyo dhaqanka.
Gobanimonews
Hargeysa Office