Thursday, August 15, 2013

SLN: Wasiirka Arrimaha dibada oo Socdaalkii ugu horeeyay ee Diblo-maasiyadeed ku Waajahay Q.M iyo Nicolas Kay


Hargeysa(GNA)-Wasiirka Arrimah Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa socdaal shaqo ugu baxay waddanka Kenya.




Maxamed Biixi Yoonis ayaa xilka loo magacaabay 26 Bishii June ee sanadkan, waana  ugu horeeyay ee dibada ugu baxo tan iyo markii uu la wareegay shaqada wasaaradda arrimaha dibada.




Maxamed Biixi Yoonis, ayaa la sheegay inuu kulamo kula yeelan doono Magaalada Nairobi Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya  Niclos Kay, kaasoo ay ka wada hadlayaa arimo khuseeya dhinaca xidhiidhka u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Somaliland iyo sidii ay isula qeexi lahaayeen qorshaha wada shaqeyneed ee wadamada Deeqaha bixiyaa la gelayaan somaliya oo ay Somaliland ku jirto, kaasoo ay dawlad ahaan doonayaan in qorshe u gaar ah looga sameeyo.




Sidaasina waxa lagu sheegay warsaxaafadeed safarka wasiirka lagu shaaciyay oo Telefishanka dawlada laga baahiyay, kaasoo sidoo kale  lagu sheegay in wasiirku  inta uu halkaasi joogo kulamo kula yeelan doono masuuliyiin iyo diblomaasiyiin kale, kuwaasoo uu kala hadli doono qadiyada iyo qorshaha siyaasadeed ee Somaliland.




Maxamed Biixi Yoonis ayaa ah diblimaasi mudo dheer ka shaqaynayay Hay’ada Qaramada Midoobay iyo Ururka midowga Afrika, kuwaasoo uu kala shaqaynayay hawlaha nabadeynta Gobolka Daarfuur iyo meelo kale oo dunida ka mid ah.




Dadka la socda arrimaha siyaasadda ee Bulshada Somaliland ayaa si weyn isha ugu hayay, iyagoo rejo weyn ka qaba inuu yihdidiilo cusub iyo diblomaasiyad miisaan ku soo kordhinayo waddanka, halka uu wax ka bilaabo iyo sida uu u waajaho caqabadaha siyaasadeed iyo qorshaha ictiraaf raadiska Somaliland ee 23 jirsaday.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com