Thursday, August 15, 2013

D.Jabouti: Mucaaridka iyo Xukuumadda Geele oo ka wada-hadlaya Khilaafkii ka dhashay Doorashadii Baarlamanka si loo Xaliyo


Jabouti(GNA)-Wada-hadalo foolka fool ah ayaa Magaalada Jabuuti uga furmay Xukuumadda Djabuoti iyo  xubno ka tirsan asxaabta mucaaridka ah, ka dib khilaaf ka dhashay doorashadii Baarlamaaniga ahayd ee waddanka ka qabsoontay sanadkan horaantiisii.




Xubno kala metelaya asxaabtii Mucaaridka ahayd ee natiijadii Doorashada ku qanci waayay iyo   Dawlada Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, ayaa kulankii u horeeyay ee ay isugu yimaadaan maanta ka furmay Jabuuti,  kaasoo ka dambeeyay ogolaanshiyo dhinaca madaxweynaha ka yimi inuu la hadlo oo qanciyo xisbiyada Mucaaridka.




Xisbiga talada haya Dalka jabuuti UNP  ayaa ku guulaystay aqlabiyada Kuraasta Baarlamanka Doorashadii dhacday bishii Feberaury ee sanadkan , waxaana taasi ku gacan-saydhay Xisbiyada Mucaaridka ah ee ka qayb-galay oo sheegay inay jireen ku shubasho, wax isdaba marin iyo cadaadis siyaasadeed oo la saaray hogaamiyeyaasha iyo Taageerayaasha Mucaaridka.




Wada hadalada ayaa ah kuwo sii socon doona mudo aa