Friday, August 9, 2013

SLN: sidee Looga Ciiday Goboladda dalka, maxaase ku cusbaa Munaasibada sanadka?Warbixin


Hargeysa(GNA)-Dhamaan Goboldda  Somaliland Miyi iyo Magaalaba waxa Maanta si weyn looga ciiday munaasibada Ciidal-fidriga, waxaana Magaalooyinka waaweyn qaarkood Maanta iyo Caawa ka dhacaya  dabaal-degyada iyo weynaynta Maalintan oo Umadda Islaamka oo dhan qiimo weyn ugu fadhida, ka dib sodon maalmood oo ay soo soomanaayeen, sida ay ku soo waramaayan Wariyeyaasha Goboladda dalku.




Shacbiga Goboladda Somaliland badankooda waxa salaada Ciida kala qayb-galay xubno ka kala socday Golayaasha qaranka, siiba xubno ka mid ah golaha wasiiradda ee Xukuumadda oo salaada kala qayb-galay inta badan Bulshada ku dhaqan Magaalooyinka waaweyn.




Dadka ayaa dhamaan Maanta oo kale farxad iyo weyn-reyn laga dareemaa, waxaanay isugu hambalyeeyaan (Kuli Caam wa antum bil-kheyr), inkasta oo ay jiraan kumanaan  qof oo jilicsan oo iyagu duruufo kala duwan uga maqnaa Meelaha lagu kulmo ee ay dadku ku weynaynayaan munaasibadan.




Dadka ku jira Cisbitaalada kala duwan ee dalka ee Xanuunada iyo duruufaha kala duwan u jiifa ayaa ka mid ah dadka aan logahooda ku soo gaadhin goobaha dadka faraxsani isku bogaadinayaan ee Magaalooyinka waaweyn,laakiinse qofna kama madhna farxadda ciida iyo dabaal-dega weyneynta Maalmaha Ciida.




Marwadda koowaad ee Madaxweynaha Aamina Xaaji Maxamuud Jirde, ayaa munaasibadan kala qayb-gashay Boqolaal caruur ah oo lagu xanaaneeyo Xarunta Dhalinta Kacaanka ee Magaalada Hargeysa, halkaasoo ay ugu geysay Dhar iyo Agabka caruurtu ku ciyaarto si ay farxadda ula wadaagaan kuwa Waalidiintoodu ciidsiiyeen.




Geesta kale Munaasibada Ciida sanadkan waxa ku lamaanaa oo yihdi-diilo ku abuurtay kumanaan ka mid ah Ciidamada Qalabka sida oo labadii maalmood ee la soo dhaafay lagu taxay Derejada Ciidanimo oo saddex maalmood ka hor madaxweynuhu amray in Ciidal-fidriga lagu taxo in ka badan toban kun oo Askari oo ka mid ah Ciidamada Qalabka sida.




Kuwaasoo iyagu si gaar ah ugu ciidaya Haybadda Biladaha lagu taxay oo ah tii ugu horaysay ee si siman loogu sameeyo Ciidamada, marka laga reebo Saraakiil sanadkan horaantiisii Madaxweynuhu ku tolay Derejadaasi.
Shaaracyada waaweyn iyo kuwa yar-yar ee Magaalooyinka ayaa lagu arkayay Waalidiinta oo Caruurtooda ciidsiinaya, isla markaana geynaya goobaha loogu talo-galay inay Caruurtu ku ciyaarto Maalmaha ciida, halka kuwo kalena ay dalxiis u geeyeen meelo ka baxsan Magaalada oo ay ku soo madadaaliyaan, maalintan farxadda badan.




Sidoo kale waxa la arkayaa Daraasiin Ubad ah oo ku lebisan Dhar qurux badan iyo agab nooca xaragada ah oo jidadka lugaynaya, kuwaasoo iyagu booqanaya Eheladooda ama ku gaaf-wareegaya meelaha Macmacaanka iyo Cuntada fudud lagu iibiyo.




Si kastaba ha ahaatee munaasibadda ciida ayaa ku dhacday Nabad-gelyo, mana jirto wax dhibaato ah oo dhanka amaanka ah iyo Mushkilad kale oo laga soo warinayo Goboladda waddanka, iyadoo ay labada Maalmood ee soo socda sii socon doonto Munaasibaddu, isla markaana dadku ka nasan doonaan shaqada, kuna jirayaan farxad lagu sagootinayo Bisha Ramadaan ee Khayrka badan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: Editor@gobanimonews.com