Friday, August 9, 2013

Saylici:Shacabka Somaliland waxaan leeyahay Qabyaalada iska daaya, Ciidamadana waxaan kula dar-daarmayaa u samra tabashada Derejooyinka.


Hargeysa(GNA)-Madaxweyne ku-xigeenka somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Maanta si waayeelnimo iyo Masuuliyadi ku dheehantahay shacbiga Somaliland ugula taliyay inay iska daayaan Qabyaalada iyo war-xumo tashiilka.




Hadal uu ka jeediyay munaasibadii Ciidal-fidriga, ayuu sidoo kale Hambalyo ugu diray Ciidamada kala duwan ee Derejooyinka la siiyay, kuwaasoo iyagana uu ugu baaqay inaanay wax cabasho ah ka keenin hadii ay qawadaan derejooyinka la siiyay.
“waxaan Hambalyo u dirayaa Ciidamada qaranka Somaliland oo aan ku Hambalyeynayo Derejooyinka la siiyay, taasoo ah talaabo lagu dhamaystirayo Haykalka dawladnimada, waxaan kula dar-daarmayaa Ciidanka inay derejooyinka u qaataan si bilaa turxaan ah, wixii tabasho ah ee jira dalkooda iyo dadkooda uga tanaasulaan, oo yaanay cabasho keenin”ayuu sheegay Madaxweyne Saylici.




Cabdiraxmaan Saylici ayaa isagoo la hadlaya Bulshada reer Somaliland sidoo yidhi “Dadka reer Somaliland waxaan leeyahay qabyaalada iska daaya oo aynu gacmaha isqabsano, qabyaalada  aad shaashadaha la soo fadhiisanaysaan iska daaya oo wixii tabasho ah ee jira aynu si hoos isugu sheegano, waayo Caalambaa ina daawanaya oo ina eegaya, markaa waxaan ugu baaqayaa aynu qabyaalada iska dayno oo aynu horumarka dalkeena , sidii aynu qaran jira u noqon lahayn aynu isku garab-isgaagno”.




Saylici oo soo xiganaya hadal uu yidhi Prof Axmed Ismaaciil Samatar markii uu Goboladda dalka marayay,kaasoo ku saabsanaa isla qabyaalada uu bulshada ku dhaliilay, ayaa yidhi “Prof Axmed Ismaaciil Samatar markii uu dhawaan dalka yimi ee uu Goboladda marayay wuxuu yidhi Nin Qabyaalad ka hadlaya oo wax doonayaa cid wax uma waddo ee waxa wada Hunguri, markaa qofku markuu leeyahay deegaan heblaayo waxba looma qaban waa arin fiican ,laakiinse markii reer Hebel wax u doonayo cidna wax uma tari karo” .




Hadalka madaxweyne ku-xigeenka ka soo yeedhay oo dad badan lama filaan ku noqday, isla markaana u muuqda  mid muujinaya waayo-aragnimo siyaasadeed  oo uu kasbaday saddexdii sanadood ee uu madaxda ahaa, ayaa dhinaca kale dadka qaarkii ku fasilayaan inay tahay fariintii ugu wanaagsanayd ee ay Madaxda xukuumaddu shacbiga u soo jeediyaan, taasoo ka madhan difaac siyaasadeed iyo gudbinta farimo dhanka horumarka ah, iyadoo aan dadka wacyi-gelin la siin.




Qabyaalada ayaa ah dhaqan si weyn ugu milmay siyaasadda oo inta badan dadku ku lamaaneeyaan tabashooyinkooda siyaasadeed ama aragtiyaha taban iyo kuwa togan ee ay kaga qayb-qaataan xarakaadka bulshada iyo siyaasadda.




Madaxweyne ku-xigeenka ayaa hadalkiisa loo arki lahaa mid uu dan ku difaacanayo, hadii uu ku ladhi lahaa buun-buunin siyaasadeed, ama  uu bulshada ku soo dhex tuuri lahaa xili mawjado mucaaridad ahi ku kacsanyihiin Xukuumadda uu madaxda ka yahay, hase ahaatee waxa uu jeediyay taladan maalin farxadeed oo hadalo dhaxal gal ah loo baahanyahay.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com