Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mduane Axmed Maxamed maxamuud (Silaanyo) ayaa saaka bulshada reer Hargeysa kula ciiday Garoonka Kubadda Cagta ee Xaafada Xawaadle, halkaas oo ay kumanaan qof ku tukadeen Salaada Ciida Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo sanadihii hore salaada ciida kaga qayb-geli jiray Musjid Jaamaca weyn ee Caasimada Hargeysa, ayaa sanadkan ku tukaday Garoonka Xawaadle oo ah barxad banaan oo sanad walba kumanaan qof ku ogaan salaadaha xiliyada Ciidaha.
Khudbad uu Salaadii ka dib halkaasi uu ka jeediyay waxa uu shacbiga somailand ku hambalyeeyay munaasibada Ciida, isagoo ku booriyay inay nabad-gelyada Ilaashadaan.
Madaxweynaha waxa tukashada salaada ee halkaasi ku wehelinayey xubno ka mid ah madaxda dawlada ee Golayaasha Qaranka iyo culimada iyo dad weyne kale.
Madaxweynuhu markii uu ka soo laabtay Salaadda waxa qasriga Madaxtooyada ku soo booqday boqolaal ruux oo isugu jira Masuuliyiin saddex Golle qaran ka tirsan, Madaxdhaqameedyo, Culimo-awdiin iyo dad kale oo tiro badan, kuwaasoo uu halkaasi kaga guddoomay salaam iyo hambalyo.
Hoos ka daawo Sawiradda Madaxweynaha iyo Tukashadii Xawaadle
Gobanimonews
Hargeysa Offiice
Email: editor@gobanimonews.com