Monday, August 12, 2013

SLN: Shir-Guddoonka Guurtida iyo Bulshada oo soo dhaweeyay Derejooyinka Ciidanka, Xili ay Askarta qaar wali Cabanayaan


Hargeysa(GNA)-Gudoomiyaha Golaha Guurtida iyo xubno ka mid ah guddida Joogtada ah ee Golahaasi ayaa si weyn u bogaadiyay bixinta Derejooyinka Ciidamada Qalabka sida oo mudo todobaad ah lagu guddo jiro qaybinteeda.




Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa todobaadkii hore Digreeto ku dhaqan-geliyay in derejooyin kala duwan oo u dhexeeya Xadhigle ilaa Sareeye Gaas lagu taxo in ka badan 10,000 Askari oo isugu jira Milateri, Bilays iyo Ciidamada kale ee dawlada.




Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleban Maxamuud Aadan oo Maanta la hadlay Warbaahinta ayaa talaabadan ku tilmaamay mid lagu xaqiijinayo Milgaha dawladnimo iyo horumarinta Ciidanka qalabka sida, waxaanu ku amaanay Guddida u xilsaaran derejada Ciidamada.




“waxaan aad u bogaadinayaa Derejooyinka la siiyay Ciidamadda oo ah talaabo fiican oo horumar ah, waxaanan si gaara ugu bogaadinayaa arintaa suurto-gelinteeda Guddida gacanta ku haysa oo aan ku hambalyaynayo hawshaa balaadhan ee ay suurto geliyeen”ayuu sheegay Md Saleban Maxamuud Aadan.




Guddoomiye Saleban ayaa geesta kale bulshada rayidka ah u soo jeediyay inaan faro-gelin lagu samayn hawsha derejo bixin oo aan qaab siyaasadeed iyo faro-gelin qabiil toona lagu samayn.




Dhinaca kale Guddoomiyaha Guddida joogtada ah ee Golaha Guurtida Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi-waraabe) iyo xubno ka mid ah Xildhibaanada Guddida oo hadlay ayaa Xukuumadda, Talisyada ciidamada iyo dhamaan cid kasta oo ka qayb-qaatay fulinta hawshan amaan iyo bogaadin u soo jeediyay, waxaanay dhanka kale hambalyo u direen Askarta lagu tolay Garaaddada ama Biladaha Derejada.




Geesta kale Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa horumar iyo guul dawladnimo ku tilmaamay hawshan, waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay xisbiga lagu sheegay in arintani door muhiim ah ka qaadanayso dhismaha Haybadda ciidanka iyo taabo gelinta nidaamka dawladnimo ee dalka ka hanaqaaday.




Warsaxaafadeedkaasi waxa ku saxeexnaa Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.




Dhanka kale qaybinta derejooyinka Ciidanka, waxa soo dhaweeyay qaybaha kala duwan ee Bulshada reer Somaliland oo tan iyo markii la bilaabay ay isa soo tarayaan dhambaalada Hambalyada ah ee ay arintan kaga dareen celinayaan.




Inkasta oo aan wali la dhamaystirin qaybinta Derejooyinka Ciidanka, jiraana cabashooyin xalin u baahan oo ka soo baxaya Ciidamada qaarkood oo aan ku qanacsanayn Biladaha la siiyay ama nooca derejada la siiyay, hadana suurto gelinta hawsha kala saraysiinta Ciidanka iyo hirgelinta Astaamo lagu kala garanayo derejada Ciidanka ayaa  loo arkaa  horumar dhinaca wanaagsan ee dhismaha ciidanka loo qaaday.




Iyadoo ay tahay markii ugu horaysay ee Ciidanka kala duwan ee soamliland yeeshaan Derejooyin Ciidannimo tan iyo markii ay bur-burtay Dawladii dhexe ee Somaliya sanadkii 1991-kii, isla markaana Somaliland ku dhawaaqday gooni-isutaageeda.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com