Monday, August 12, 2013

Madaxweyne Siilaanyo oo Eryay Guddoomiyihii Hay’ada Qurbo-jooga iyo sababaha loo aanaynayo


Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Hay’ada Xidhiidhka Qurbo-jooga u qaabilsanaa Xukuumadd Maxamuud Cabdiraxmaan Cali.




Sarkaalkan  xilka laga qaaday ayaa sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Ilo-wareedyo Madaxtooyada ku dhadhow la sheegay in khilaaf weyni soo kala dhexgalay Xukuumadda, gaar ahaan madaxda Wasaaradda arrimaha dibada oo uu dhawaan madaxweynuhu hoos geeyay, waxaanay xil ka qaadistiisu mudo kooban ka dambeysay kulan madaxweynaha iyo xukuumaddiisu la yeesheen qurbo-joogta dalka dabayaaqadii bishii Ramadaan.




Warsaxaafadeed ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada gelinkii dambe ee Maanta oo salaasa ah , ayaa lagu sheegay in Madaxweynuhu xilka ka qaaday Guddoomiye cali, kuna amray inuu xilkaasi si ku-meedh gaadh ah ugu wareejiyo Wasiirka arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis , inta uu cid bedesha u soo magacaabayo.




“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-1963/082013  uu xilkii kaga qaaday Gudoomiyihii Hore ee Hay’adda Qurba-jooga Somaliland, Mudane, Maxamuud Cabdiraxmaan Cali”ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedkan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Gobanimonews.




Waxaana warsaxaafadeedka lagu soo sheegay “WAXAANU MADAXWEYNUHU YIDHI:-




 Waxaan aad kuugu mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.




Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Gudoomiyaha Hay’adda Qurba-jooga Jamhuuriyada Somaliland.




Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay si ku meel gaadh ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane, Maxamed Biixi Yoonis, inta aan cid kale u soo magacaabayo”.




Hay’ada Qurbo-jooga Somaliland ayaa ah mid muhiimad weyn ugu fadhida xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxaanay door weyn ka soo qaateen dadka dibadaha jooga ee loo xilsaaray Ololihii Xisbiga Kulmiye talada ku hantay.




Hase ahaatee waxa hawl-qabadkeeda ragaadiyay tan iyo markii la magacaabay khilaaf dhinaca Maamulka ah oo soo noqnoqday, kaasoo sababay in tiroba saddex jeer maamulkeedu isbedelay, isla markaana ay jireen Saraakiil hore isaga casilay khilaafkaasi awgii.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com