Hargeysa(GNA)-Madaxweynenaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa Digreeto ku soo saaray dhaqan-gelinta qaybinta Derejooyinka Ciidamada qalabka sida ee Somaliland oo markii ugu horaysay lagu tolayo Munaasibada ciida ugu yaraan 10,000 oo askari oo qaadanaya derejooyin u dhexeeya Xadhigle ilaa sareeye Gaas.
Talaabada ayaa ka dambeysay qorshe muddo soo socday oo ay xukuumaddu ugu talo-gashay in ciidamada lagu siiyo derejooyin, waxaana hore loogu taxay Derejooyinka saraakiisha ama Taliyayaasha ugu saraysay afarta Ciidan ee derejooyinkan loogu talo-galay oo kala ah Bilayska, Asluubta, Ilaalada Xeebaha iyo Milateriga.
Madaxweynaha ayaa Digreetada uu soo saaray lagu sheegay “Madaxweynuhu
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: In ay lagama maarmaan tahay in Dhamaan Ciidamada Qaranka la siiyo Derajooyin ay mutaysteen;
Markuu Tixgeliyey: Magacaabidii Guddida Hirgelinta Derajo-bixinta iyo talo bixintoodii;
Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedintii Guddida Nabad-gelyada Qaranka ee Derajo Bixinta khusaysa;
Markuu Garwaaqsaday: Xilka naf-huridda iyo heeganka joogtaysan ee Qarankan u hayaan;
Markuu Ku-qancay In bixinta derajada Ciidamadu ay kor u qaadi doonto Milgaha iyo Sharafta Ciidamadeena iyo Haybadda Dawladnimo;
WUXUU GO’AANSADAY
Dhamaystirka Derajada Ciidamada kala duwan ee Qaran in ka badan 10,000 oo Askari oo u dallacay derajooyin kala duwan ee u dhexeeya Alifle ilaa Sareeye-Gaas, isla markaana Madaxweynuhu wuxuu go’aamiyey in Dhamaan Ciidamada loo kordhiyo Gunno Derajo iyadoo lagu salaynayo Derajada iyo dallacaada kala duwan, korodhka Gunnada Derajada oo ka bilaabmaya September 2013. Waxaa la farayaa Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan in derajooyinka si rasmi ah loo bixiyo munaasabadda Ciidal-Fidriga”.
Hadaba qaybinta Derejooyinka ciidanka ayaa saraakiisha Ciidamadu xaasaasiyad iyo walaac qaarkood ka muujinayaan Cabashooyin ka dhalan kara iyo kuwo hada ka taagan, kuwaasoo u badan qaabka loo maray iyo sida loo qiimeeyay askarta la siinayo.
Hase ahaatee taasi ka sekow waxa jira Ciidamada qaar ku doodaya in bixinta Derejooyinka la siyaasadeeyay, isla markaana qaab reereed iyo wax is-daba marin maamul ku jirto qaabka wax loo waddo.
Saluuga kale ee jira ayaa isaguna ah qiimeyn la’aan, Dirays la’aan iyo Cadaalad daro ay askarta qaar tirsanayaan oo la xidhiidha qaraabo Kiil iyo inay saraakiisha Ciidanku qaar ka mid ah iyaga si gaar ah oo eexasho ku jirto u dalacsiinayaan askarta badh.
Sidoo kale waxa jira Derejo bixintan waxaan ku jirin Ciidamada Sirdoonka Qaranka iyo Ciidamada Laanta Socdaalka, kuwaasoo aan ilaa hada la cayn qorshaha loogu talo galay iyo sida loo siinayo Derejooyinka hadiiba loogu talo-galay.
Xukuumaddihii hore ee Somaliland soo maray ayaa ku dhici waayay arinta kala saraysiinta Ciidanka ama inay ciidamadu yeeshaan awood kala sarayneed oo derejo lagu muujiyay, taasoo sababaha loo samayn waayay ay ka mid ahayd Tayada ciidamada oo aan ahayn mid la xaqiijiyay ama gaadhsiisan heer lagu qiimeyn karo oo derejo lagu siiyo.
Hase ahaatee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo jabisay Dayrkaasi hore loogu dhici waayay, ayaa aad loo hadal hayaa inay arintan kala kulmi doonto buuq iyo Jahawareer laga yaabo inay saamayso hawl-gudashada Ciidanka.
Maxaa yeelay Ciidamada ayaa ah kuwo aan lahayn tabo-bar iyo aqoon ciidan oo ku filan, waxaana qaarkood wali qoriga u sitaan sidii loo qarameeyay markii Ciidamada la dhisay sanadihii sagaashamaadkii, iyadoo aan wax tabo-bar ah oo maamul iyo mid farsamo oo ku filan la siin.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com