Tuesday, August 6, 2013

Hay’adda Waste Management and Environmental Development oo Olole Cayayaanka Dilayo ka Biliyadda Qashin qubka Hargeysa


 Hargeysa(GNA)-Hay’addan wadaniga ah ee magaceeda la yidhaahdo Waste Management and Environmental Development Group  ayaa maanta olole nadafaeeed oo cayayaanka cudurada faafiya lagaga buufinayo ka fuliyay balliyada lagu qubo dhiiga, uuska, ee buuraha Nasa hablood ku yaala, kuwaasoo ah baliyo dhiig ah oo fadhiya, oo ay ka dhalan karan cuduro halis ah oo dalka oo dhan dhakhso ugu faafi kara, daweyntooduna ay innagu adkaan doonto.




Ololahan nadaafadeed oo hay’addu u fulisay si mutadawacnimo ah ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka wasaarada caafimaadka, wasiirka horumarinta deegaanka,wasiir ku xigeenka shaqada iyo arimaha bulshada,masuuliyiin kale xildhibaano uu ka mid yahay xasan shahar oo isgau ka tirsan xubnaha arimaha bulshada g.deegaanka Hargeysa




Hadalo ay masuuliyiintu halkaa ka ka jeediyeen ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay madaxda hagaysay hay’addan wadaniga ah ee maaraynta qashin iyo horumarinta deegaanka eng.yusuf ahmed abdoo oo isagu hadal dheer ka jeediyay goobtan oo isugu jira bal sida khatartaa caafimaad daro looga hortagi lahaa iyo sidii loo samayn lahaa dhul ugaara landfill sites oo qarsoon ama dadan si aanay cayayaanka iyo xayawaankuaba u gaadhin waxa kale oo uu talo ahaan soo jeediyay sidii loo xidhi lahaa sitekan ama baliyadan inta aanay iman xanuuno la daawayn kari waayo|” engneerku isagoo sii wata hadalkiisa wxa uu yidhi way fududahay in la xidho baliyadan sida looga guuri karo waxa la samaynayaa wax la yidhaahdo (oxidation bonds) oo lagu qalajinayo dhiigan ka dibna la aasi doono loona adeegsan karo fertilizer nafaqeeya dhirta iyo deegaanka”




Waxa isna halkaa ka hadlay madaxa mashaariicda iyo isku dubaridka hay;adda oo ka hadalay baaxda ay hawshani le egtahay iyo daraasad ay ka sameeyeen hawshan sida wax looga qaban karo waxa kale oo uu xusay in goobtani tahay astaanta taariikh galka ah ee Hargeysa leedahay  naasahablood ee  loona bahanyahay in si adag looga hawlgalo hay adduna awood u leedhay inay wax weyn ka qabto hawshan hadii ay hesho taageeero buuxda dawlada,shacabka iyo hay’addaha ka shaqeeya caafimaadka iyo deegaanka.




Xasan shahar oo isagu ka mida ah guddida arimaha bulshada golaha deegaanka Hargeysa “ayaa ugu horeyn ka hadlay waxyeelada ay caafimaadka u yeelan karto baliyadan dhiiga ahi caafimaadka xusayna inay hawshani ka horeysay iyo cida ka masuulka ahi oo ah shirkada maandeeq laakiin manta ay diyaar uyhiin sidii wax looga qaban lahaa hawshan haya;addana ay iyagu ka codsadeen inay hawshan fuliso iyagoo mudo badan wada xidhiihdhay kadib markii ay ku qanceen aqoonta iyo khibrada ay u leeyihiin hawshan kuna dadaali doonaan inay helaan dhul kale oo loo raro loona diyaariyo hayaadana ay wax badan ka caawin doonto hawlaha la xidhiidha nadaafada ,faya dhowrka iyo hagaajinta caafimaadka bulshada iyo la dagaalanka cayayaanka wax yeeleeya caafimaadka bulshda oo ay buufindoonaan dhamaan sariibadaha, cuntada iyo hilibka lagu iibiyo”




Wasiirka deegaanka ayaa isna ku dheeraaday inay hawshaa diyaar uyihiin wax ka qabashaddeeda mudo badan ay timid goobtan lakin ay wayday cidii kala hawl gali lahayd maantn ay aaad ugu mahadnaqayso hayaadan fulinaysa hawshan buufinta waxii danbana si wadajir ah looga hawl galo marka ay baxdo ciida ramadaan




Wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada ayaa iyan ku dheeraatay wax ka qabashada halista caafimaad xumo tilmaantayna inaanay macno  samaynayn nolsaha ay nu noolanahay  hadii ay goobtani sidan sii ahaato,qoladii ku shubtay wasakhdan goobahan runtii waa dad muwaaadiniin ah laakiin ma canaanayno cano daatayna dabadod la qabay imika aynu sidaa ku wadno oo aynu iska kaashano sidii wax looga qaban lahaa halistan




Gabagabdii wasiirka caafimaadka oo hadalkii soo xidhay ayaa isaguna tilmaamay inay hawshani ay guda gali doonaan sida ugu dhakhsaha badan shir degdeg ah oo ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa baliayadan dhiiga marka baxdo ciida ramadaan kuna maamuusay wasiirka deegaan inay iyadu hawshaa gudoomiye ka noqoto oo ay soo qaban qaabiso shirkan lagag hadlayo khatartaala goobtan waxa kale oo wasiirku u mahadnaqay hay;addan maanat hawshan filisay runtiina sheegay inay aqoon badan u leeyhiniin hawlaha qashinka dareeraha ah liquid wa hayste baaqna u diray hayadaha dhaamaan ka hawl gala caafimadka inay la shaqeeyaan haydan oo ay wasaarada caafimaadka yihiin parternership  una aqoonsatay  siisayna laysanada laga hortago wixii medical and liquid waste ah




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com