Tuesday, August 6, 2013

Hargeysa: Saraakiisha Caafimadka Gobolka oo xidhay Gaadhi Saxaro iyo Qashin ku Daadiyay mid ka mid ah Jidadka Magaalada dhex mara


Hargeysa(GNA)-Saraakiisha caafimaadka Gobolka Maroodi-jeex ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Gaadhi lagu soo qaaday Wasakh Saxaro iyo Biyo laga soo saaray bulaacad ah oo Magaalada dhexdeeda ku qubay qashinkaasi oo laga soo qaaday Makhaayad cunto oo ku taala Xaafada Shacabka.




Madaxda Caafimaadka Gobolka Maroodi-jeex ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Maxamed Faarax Axmed, ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay inay qabteen gaadhigaas iyo saddex Nin oo mid ka mid ahi uu wade ka ahaa, iyagoo qashinka wasakhda ah ee ay hudheelkaasi ka qaadeen mar kale doonaya inay raraan.




Sarkaalka ayaa sheegay inuu gaadhigu ahaa nooca loo yaqaano Dheynaha oo dusha ka furan, isla markaana uu Saxaro iyo qashin kale oo qoyan ka gurayay Hudheel laga cunteeyo oo ku yaala xaafadda shacabka  ee Magaalada Hargeysa, kaasoo laydh hore oo uu ka qaaday ku sii daadiyay laamiga isku xidha xarunta C.I.D-da ilaa 150 ee sii dhex mara Xaafadda Xero-awr. Isla markaana yaab iyo cabsi ku abuuray dadweynaha degen laamiga u wasakhda ku qubay hareereeda iyo gaadiidlayda marayayba.




“Gaadhigaasi wuxuu gaadhi dheyne ah, waanu qabanay waxaanan ku qabanay saddex nin oo mid wadde ka ahaa, iyagoo wasakhdaa ka raraya hudheel ku yaala shacabka oo Bulaacad iyo suuli ku yaala laga soo saaray waxaas, waxaanu markii hore ee uu qaaday ku sii daayay Jidka Tulba-taariyada hor mara  ilaa jidka 150-ka saxaro iyo qashin kale oo qoyan ku sii qubay, taasoo khatar ku ah Caafimaadka iyo nadaafadda Magaalada”ayuu yidhi Gobanimonews u sheegay.




Waxaanu intaasi ku daray “hawl-galka qabashada waxaanu iska kaashanay Ciidanka Bilayska ee Heeganka oo taliyuhu amray, waxaanan hada daawo ku buufinaynaa lamidii uu wakhsada ku shubay si aanay halis caafimaad uga dilaacin”.




Sarkaalka oo ka waramayay sida uu gaadhigani wasakhda u qaaday, maadaama aanu ahayn Gaadiidka loogu talo-galay waxa uu yidhi “ Gaadhiga waa gaadhi dul furan oo aan ahayn booyad, markaa bacbay hoos gogleen, dabadeed ay dusha kaga gurayeen waxan ay sideen, waanan baadhaynaa sababta ku keliftay, Mulkilihii Hudheelkana waxaanu doonaynaa inaanu soo qabano” ayuu yidhi.




Dhinaca kale dhawr qof oo degen xaafada Xero-awr iyo Boqol iyo Kontonka ayaa noo sheegay inuu gaadhigaasi Jidka Laamiga ah ku daadiyay wasakhda uu siday, dabadeed ur  qadhmuun iyo walxo qoyan oo uu halkaasi ku qubay sababtay in meelo ka mid ah Laamiga Gaadiidka iyo dadku mari waayaan.




Goob-joogayaasha ayaa intaasi ku daray inay dhacdadaasi dhacday abaaro 10:30-kii Caweysnimo oo waddooyinku aad u saxmad badnaayeen.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com