Sunday, August 11, 2013

Shuruudda Kenya ku xidhay Wareejinta Dekedda iyo Madaarka kismaayo oo Daaha ka qaaday Dareen hore looga qabay Hawl-galkeeda Ciidan!


Nairobi(GNA)-Dawlada Kenya ayaa diiday inay Dawlada somaliya ku wareejiso Madaarka diyaaradaha iyo Dekedda Kismaayo, ka dib shirkii ay ku kulmeen Madaxda dawladaha Ciidamadu ka joogaan somaliya ee ka dhacay magaalada Kampala bishan horaaneedii kaasoo lagu go’aamiyay arintaasi.




Xoghayaha Wasaaradda Difaaca Kenya  Monicah Juma iyo sarkaalad u qaabilsan arrimaha dibada oo la yidhaahdo Karanja Kibicho, ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen waxay ku sheegeen inaanay suurto gal ahayn inay labada xarumood ee muhiimka ah ku wareejiyaan cid kale, ilaa inta laga soo afjarayo waxay ugu yeedheen takoorka iyo Cadaalad darrada Gobolka ka jirta.




Go’aankan ayaa ka hor-imanaya war-murtiyeedkii laga soo saaray Shirkii lixda dal ee Haw-galka AMISOM iyo somaliya ku yeesheen Magaalada Kampala, kaasoo qodob ka mid ah lagu sheegay in dawlada somaliya lagu wareejiyo maamulka Dekedda iyo Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho, ilaa ay dawlada federaalku ka soo dhisayso maamul loo dhanyahay oo la wareega Goboladda Jubbooyinka.




Diidmada Kenya ee wareejinta labadan xarumood ayaa muujinaya inuu jiro dano aan mugdi ku jirin oo damac badheedha ah oo Kenya ka leedahay soo gelitaankeeda somaliya, waayo ma jirto sabab ay shuruud uga dhigto waxaanu sugaynaa maamul cadaaliya oo ka dhasha somaliya, sida ay qabaan dadka siyaasadda ka faaloodda.




Hawl-galka ciidamada Kenya ku soo galeen somaliya ayaa hore muran uga dhex abuuray Dawlada Federaalka ah iyo Kenya.




Dadka somalida ayaa Kenya ku eedeeyay inay faro-gelin ku samaynayso hawlaha maamul u samaynta Goboladda Jubooyinka, kana qayb-qaadatay kicinta xiisado siyaasadeed iyo dagaalo ka dhacay Magaalada Kismaayo.




Hase ahaatee Wasiirka arrimaha dibada somaliya Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa todobaadkii hore sheegtay in Kooxo war xumo tashiil ahi isku dhufanayaan dawlada Kenya, balse ay abaal weyn u hayaan Kenya.




Tani waxay maalin ama laba ka horaysay markii uu soo baxay Go’aankan dambe ee ay Kenya ka qaadatay wareejinta Dekedda iyo Madaarka Diyaaradaha ee Kismaayo.




Magaalada Kismaayo ayaa ku taala goob muhiim ah oo ay si weyn isha ugu hayaan dawladaha xuduudka dhinaca Koonfurta la wadaaga  somaliya ee Kenya iyo Itoobiya.




Waxa jawaab ah kama ay bixin dawlada Federaalka somaliya hadalka ka soo baxay Magaalada Nairobi, waxaana la eegi doonaa sida ay arinta haatan taagano caqabadda ugu noqoto fulinta go’aamadii ka soo baxay shirkii Kampala.




 Gobanimonews




Nairobi Office




Email: editor@gobanimonews.com