Baydhabo(GNA)-Qorshe Maamul loogu samaynayo Gobolka Bay ee somaliya ayaa la sheegay inay dawlada Federaalka somaliya ku hawlantahay.
Qorshahan ayaa la doonayaa in lagu dhiso Maamul rasmiya oo metela shacbiga ku dhaqan Gobolka Bay oo maamulo kala duwani soo mareen tan iyo markii dawladii ku-meel gaadhka ahayd ee Cabdilaahi Yuusuf Axmed sida Ku-meelgaadhka ah u degtay sanadkii 2006-dii.
Wefti ka socda dawlada federaalka ah iyo xildhibaano ka mid ah Baarlamanka oo ka soo jeeda Gobolkaasi ayaa la sheegay inay dhawaan tegayaan Gobolkaasi, isla markaana diyaarinayaan hanaan lagu sameyn lahaa Maamulka Gobolka Bay.
Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay dhinaca dawlada Federaalka ah e somaliya oo ku saabsan arintan, balse sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dawladu, waxa weftigaasi ka mid ah Saraakiil ka socota Wasaaradda Arrimaha Gudha somaliya iyo xubno kale.
Bulshada Gobolka ayaa la filayaa inay soo dhaweyn doonaan qorshahan oo aan ilaa hada la cadayn Karin sida uu midho dhal u noqon karo.
Ciidamada Itoobiya ayaa dhawaan ka baxay fadhiisimadii ay ku lahaayeen Gobolka Bay, waxaana kala wareegay cutubyo ka tirsan kuwa AMISOM iyo dawlada somaliya oo halkaasi gacanta ku haya.
Kooxda Alshabaab ayaa laakiinse ku gedaaman amaanka Gobolka, waxaanay weeraro kala duwan dhawaan ku soo qaadeen Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com