Sunday, August 11, 2013

Q.M oo Eriteria ku Eedeysay inay Cashuur ka qaado Mawaadiniinteeda Degen CANADA, ka Ganacsiga Tahriibayaasha iyo inay Xidhiidh la leedahay Al-shabaab


Toronto(GNA)-Baadhayaal ka socda Qaramada Midoobay ayaa sheegaya inay Milateriga Waddanka Eriteria dhaqaale badan ka helaan Mawaadiniinta dalkaasi u dhashay ee degen waddanka CANADA, taasoo loo soo mariyo Bangiyo ku yaala Canada, Jarmalka, ilaa dawlada dalkaasi maamusho oo loo soo gudbiyo.




Lacagtan ayaa la sheegay inay 2% ka tahay Cashuurta Eriteriya ku bixiso horumarinta Ciidamada Milateriga ah ee waddankaasi, sida ay sheegayaan Baadhayaasha Qaramada Midoobay, oo Gobanimonews heshay qoraal ay soo saareen dhawaan oo loo gudbiyay golaha amaanka.




Waxaanu aragnay warbixinaha qaramada Midoobay ee somaliya iyo Eriteria, waxa jiray wax isdaba marin iyo in dad lagu khasbay in laga uruuriyo cashuurta,waxaanay si ku cel-celis ah ugu cadaysay Eriteria, inay Ixtiraamto Maamulka Caalamiga iyo sharciga Kanada”ayay baadhayaasha Q.M ku sheegeen warbixinta ay soo saareen.




Sida ay cadaymaha warbixintu sheegayaan safiiradda Eriteria ee Kanadda waxay qabatay oo loo wakiishay in qofka Eriteria u dhashay ee Toranto jooga looga baahanyahay inuu keeno 300 dollar oo uu ugu deeqayo Milateriga Eriteria, halka Macluumaad kale  ee la helay ku tusayaan inta lacaag la diray, iyadoo ka tegaysa bangiyada Kanada, la sii marinayo Jarmalka, ilaa xisbiga xukuumiga ah ee Eriteria” .




Baadhayaashu waxa kale oo ay heleen codad la duubay oo ah hadalka Safiirka Kanada ee Eriteria General Semere Ghebremariam, bil ka hor intaanu joojin inuu Canada yimaado.




Baadhayaashu waxa kale oo ay yidhaahdeen “Safiirku 21 Bishii April wuxuu soo saaray magacaabis kaaliye uu  u magacaabay Magaalada Winnipeg, kaasoo ujeedada loo diray ay tahay inuu cashuurta ka soo uruuriyo mawaadiniinta Eriteriyaanka ah ee ku nool magaaladaasi CANADA ee Winnipeg, waxaanu sidoo kale  amray mawaadiniinta inaanay tefi Karin dalkii ilaa ay bixiyaan 2% cashuurta ah”.




Sidoo kale warbixintu waxay sheegtay in Eriteriya qayb ka mid ah dhaqaalaheeda ka hesho qafaalashada iyo ka Ganacsiga dadka Tahriibayaasha ah “Waxyar oo ka mid ah Dhaqaalaha mooyaane, Eritreria dhaqaalaha ugu badan waxay ka heshaa cashuurta baadhista Macdanta, xafiisyada dawladuna waxay cashuur ka helaan ka ganacsiga iyo qafaalashada,  qaxoontiga firxadka ah ee dalkeeda sii mara”




 




Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sanadkii 2009-kii Cadaadis ku saaray eriteriya inaanay ka qayb qaadan qul-qulatooyinka ka jira somaliya, hase ahaatee baadhayaashu waxay sheegeen inay wali Eriteria xidhiidh dhaw la leedahay laba hogaamiye oo ka tirsan Ururka Al-shabaab.




Gobanimonews




Nairobi Office




Email: editor@gobanimonews.com