Borama(GNA)-Ciidamada Amaanka Somaliland, gaar ahaan kuwo loo yaqaano RRU-da ee sida gaarka ah u tababaran ayaa habeenkii labaad ku guda jira hawl-gal lagu soo qab-qabanayo Dad looga shakisanyahay inay ka tirsanyihiin Kooxaha Xag-jirka ah iyo kuwo la xidhiidhnayo inay gacan saar la leeyihiin, sida ay Saraakiisha laamaha amnigu Gobanimo news u xaqiijiyeen.
Afar qof ayaa lagu soo qab-qabtay, hawl-gal xalay lagu gelalafay Guryo ku yaala Magaalada Burco, kuwaasoo oo uu ku jiro sheikh ka mid ah Culimada Magaalada, kaalin firin-fircoona kaga jiray horumarinta Bulshada Gobolka Togdheer.
Geesta kale waxa la sheegay inay wali Ciidanku daba socdaan dad kale oo looga shakisanyahay Argagixiso, kuwaasoo qaarkood xalay hawl-galo lagu soo qab-qabanayo laga fuliyay Magaalada Boorama ee Gobolka Awdal.
Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Ciidanka amniga, hase ahaatee goob-joogayaal ku sugan Magaalada Borama ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay inay arkeen kolanyo ka mid ah Ciidanka RRU-da oo saacadihii dambe xalay soo galay Magaalada, kuwaasoo dhanka magaalada Hargeysa ka soo kicitimay.
Goob-jooge kale oo Reer boorama ah, ayaa isaguna sheegay inay Ciidanka RRU-du fuliyeen hawl-gal lagu baadhay Guryo ku yaala magaalada, waxaana dhinaca kale saraakiisha amniga ee gobolku u Gobanimonews u sheegeen inay jiraan dad hawl-galkaasi lagu soo qab-qabtay.
Lama sheegin ilaa hada tirada dadka la qab-qabtay iyo waxay kala yihiin, balse warku wuxuu intaasi ku darayaa in dadka la soo xidh-xidhay ay ku jirto qof Dumar ah oo laga shakisanyahay inay xidhiidh la leedahay Kooxaha Argagixisada.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com