Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Alla aha unaxariistee hal qof ayaa ku dhintay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen shil baabuur oo habeenkii xalay ahaa ka dhacay tuulada xalimaale oo ku taala jidka u dhaxeeya degmada boon iyo jabuuti gaadhiga ayaa ahaa nuuca loo yaqaano laankurusarka islamarkaana ka dhex shaqeeya magaalada borama iyo jabuuti. Gaadhigan ayaa waday rakaab u socday dhinacaa iyo dalka jabuuti.mar aanu khadka taleefanka kula xidhiidhnay qaar kamid ah rakaabkii saarnaa gaadhiga shilku ka dhacay ayaa noo xaqiijiyay in waxatiga uu dhacayey shilku uu da ayay roob aad uwayn kadibna gaadhigu mar qudha u rogmaday dhinaca bidix
(waxa da ayay roob xoogan gadhiguna roobka ayuu dhex socday markaas ayauu mar qudha gaadhigu rogmad Ka dibna waxa bilaabmatay buuq iyo qaylo markaas anigu waxan xigay dhinaca sare oo waxa an bilaabay inaan isku dayo inaan ka baxo daaqad xigtay dhinaca sare waxana iga soo daba baxay labo inan iyo dirawalkii. Kadibna waxan soo saarnay qaar kamida rakaabkii markaas ayaan aragnay laba haweena iyo hal inan oo dhaawaca. Wakhtigasi waxa ay xaaldiisu sii darnayd wiilka geeriyooday. Waxyar kadibna waa uu geeriyooday inankii alla ha unaxariistee waxana loo qaaday dhinacaa iyo magaalada borama maydka iyo labada qof ee dhawacmay ).sidaasi waxa noo xaqiijiyay mid ka mid ah rakaabkii saarnaa gaadhiga
Hadaba markii dhaawaca iyo wiilka dhintay alla ha unaxariistee la soo gaadhsiiyay cisbitalka guud ee magaalada borama ayaan tagay si aan wax uga soo ogaado xaalka dhaawaca waxanan la kulmay qof haweenaya oo ka mid ahayd labadii qof ee ku dhaawacmay gaadhiga waxanan waydiiyay xaalka hada ay ku sugantahay iyo sida ay wax usoo gaadheen?
waxayna iigu jawaabtay
<hada waan roonahay waana illaahay xamdigii aniga waxa ay wax iga soo gaadheen dhinac midig laga bilaabo garaka ilaa lugta wakhtiga uu gaadhigo rogmadayna waxan xigay dhinaca u hoosaysa hadana waxa iigu daran dhinacaa midig garabka ilaa lugta> sidaasi waxa tidhi hooyo uu dhaawac ka soo gaadhay gaadhiga habeenkii xalay ahaa ku rogmaday tuulada xaliimaale
Mid kamida dadkii soo qaaday dhaawaca ayaa ii sheegay in dhaawicii kale loo qaaday cisbital kale oo ku yaala magaalada borama oo lagu magacaabo { al xayaat }
Si kastaba ha ahaatee waxa ay inta badan ka cawdaan dirawaliinta gawaadhida jidka isku xidha magaalada borama iyo jabuuti kaasi oo aan ahayn daw fiican oo si saxa loo mari karo iyadoo inta badan dhibaatooyin kala duwan lagala kulmo jidkaasi wakhtiga uu roobku curto
Wariye:mustafe caraale{borama}
Caraale_143@hotmail.com