Thursday, August 15, 2013

Suldaan Xasan Suld. C/laahi: Shirweynaha Beesha Sacad Muuse waxa uu Furmayaa 18 Bisha, wax Dib u dhac ahina kuma Imanayo”


Hargeysa(GNA)-Shirweynaha Beesha Sacad Muuse ayaa lagu wadaa inuu 18 Bisha ka furmo Deegaanka Agabar ee Gobolka Maroodi Jeex, waxaana socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee Shirkaasi oo in mudo ah hawshiisu socotay.




Ergooyinka shirka ka qayb-gelaya ayaa Madasha Shirku ka dhacayo maalmaha soo socda tegi, iyagoo u diyaar-garoobaya furitaanka shirka ee 18 Bisha oo Maalmo koobani inaga xigto.




Madashada Shirku ka furmay ayaa la sheegay in loo dhamaystiray dhamaanba waxyaabaha Muhiimka ah ee ay Ergooyinku u baahanyihiin, gaar ahaan Guryihii iyo meelihii kale ee Daruuriga ahaa.




Suldaanka Guud ee Beesha Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan,kana mid ah madaxdhaqameedka Beesha Sacad Muuse ayaa Gobanimonews u sheegay Maanta oo Khamiis ah inuu shirkaasi furmayo xiligii loo cayimay oo ku began 18 Bisha, jirina wax khilaaf ah iyo dib ah oo ko yimi, isagoo dhamaan dadka ka qayb-gelayana u soo jeediyay inay isu diyaariyaan shirka.




“Shirka Hoodaale wuxuu furmayaa Xiligii loogu talo-galay oo ah 18 Bishan oo maalmo koobani inaga xigaan “hadii alle ka dhigo”, si wanaagsana waa loogu diyaar garoobayaa oo waabad dareemaysaa, markaa Inshaalah xiligaas ayuunu  rajeynaynaa inuu furmo, wax dib u dhac ah oo ku imanayaana ma jiraan, Ilaahayna waxaan ka rejaynaa inuu nabad qab nagu gaadhsiiyo wakhtiga” ayuu Gobanimonews u sheegay Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo aanu wax ka waydiinay hawsha qaban-qaabada shirka iyo goorta uu furmayo.




Suldaanka ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin intaasi ka bixiyo hawlaha shirkan, wuxuuse meesha ka saaray dib u dhac ku yimaada shirka iyo inay jireen kala aragti duwanaan Beesha dhexdeeda ah.




Dhinaca kale xubno ka mid ah Guddida qabanqaabinaysa shirkan oo Gobanimonews wax ka waydiisay halka ay wax u marayaan, ayaa xaqiijiyay inuu xiligii loo cayimay qabsoomayo shirku, furmayana 18 bisha, iyagoo intaasi ku daray in hawsha qaban-qaabadu meeshii ugu dambeysay marayso.




Shirkan ayaa hawshiisu mudo bilaha  soo jiitamaysay, iyadoo ay jireen kala aragti duwanaan beesha dhexdeeda ah iyo gacan gelin siyaasadeed oo Khilaaf ka dhex abuurtay madaxdhaqameedka Beesha, taasoo markii dambe meesha laga saaray.




Waxaana hada muuqata in madaxdhaqameedka Beesha Sacad Muuse isku aragti ka yihiin qabsoomida shirka iyo diyaarinta ajandaha lagaga wadahadalayo oo ah mid aan wali wax fikrad ah laga haysan, bal-se ku saabsan sida la filayo danaha beesha ee dhinacyada Siyaasadda iyo horumarinta Gudaheeda.




Shirka ayaa loogu magac-daray Hoodaale, sida ay Shaaciyeen Xubnaha Guddida ah ee qabanqaabadiisa Man- jaradaha u haysaa.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com