Hargeisa(GNA)-Shaqaalaha Wasaaradda arrimaha dibada Somaliland ayaa munaasibad sagootin ah sameeyay wasiirkoodii hore Maxamed Cabdillaahi Cumar oo haatan laga dhigay Wasiirka Ganacsiga iyo Maal-gashiga.
Munaasibada sagootinta ah oo ka qabsoontay Xarunta Wasaaradda khaarajiga, waxa ka soo qayb-galay Wasiirkii hore ee xaflada loo sameeyay Maxamed Cabdilaahi iyo wasiirka cusub ee wasaaradaasi Maxamed Biixi Yoonis , Masuuliyiinta kale ee wasaaradaasi oo uu horkacayo wasiir ku-xigeenka iyo shaqaalaha Wasaaradda.
Wasiirkii hore ee wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga Maxamed Cabdilaahi Cumar oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay, ayaa si weyn ugu mahad naqay shaqaalaha iyo madaxda wasaaradda ee xaflada sagootinta ah u sameeyay, waxaanu ku bogaadiyay hawsha culus ee ay qaranka u hayaan iyo sidii wanaagsanayd ee ay ula shaqayn jireen mudadii uu xilka hayay.
Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay, una amaanay dhamaan Wakiiladda Wasaaradda u jooga Dalalka Caalamka , kuwaasoo uu sheegay inay hayaan hawl culus oo u baahan in lagu garab galo,si ay u gudtaan Waajibka shaqo ee loo xilsaaray oo ah ka midho dhalinta qadiyada Somaliland iyo gaadhsiinta danaha Somaliland ee dalalka loo xilsaaray.
Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibada oo isaguna xafladaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay wasaaradda ku soo dhaweynayaan wasiirka cusub ee loo magacaabay, si qurux badana ay u sagootinayaan Wasiirkii hore ee loo bedelay Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga.
Wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadu, waxa kale oo tilmaamay in wasiir Maxamed Cabdilaahi cumar ahaa masuul xil kas ah oo wax badan ka qabtay wasaaradda intii uu joogay, isla markaana wax badan ku soo kordhiyay siyaasadda arrimaha dibada ee qaranka oo uu tilmaamay inay meel wanaagsan marayso.
Ugu dambeyn waxa xafladaasi ka hadlay wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis oo si weyn ugu mahad naqay Wasiirkii hore ee uu xilka kala wareegay, kaasoo cadeeyay inuu wax qabad iyo horumar fiican oo uu wasaaradda gaadhsiiyay uu kala wareegay.
Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sidoo kale ku amaanay Shaqaalaha Wasaaradaasi sida ay ugu soo dhaweeyeen Wasaaradda, wasiirkoodii horena sagootinta ugu sameeyeen, isagoo dhanka kalena ka codsaday inay ula shaqeeyaan sidii wasiirkii hore iyo si ka wanaagsan.
25 bishii June ee la soo dhaafay ayaa Wasiir Maxamed Cabdillaahi loo magacaabay Wasaaradda Ganacsiga iyo Maal-gashiga, ka dib mudo saddex sanadood ah oo uu ahaa Wasiirka arrimaha dibada iyo xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland, halka Maxamed Biixi Yoonis-na xiligaasi loo magacaabay wasaaradaasi.