Burco(GNA)-Xoghayaha dawlada hoose ee ee Burco Cismaan Maxmed Sh.Cismaan ayaa Basaslayda magaalada Burco ku wargaliyay inaanay qiimaha lagu raaco Basaska ku kordhin karin dadwaynaha taasoo ku timi kordhin ay isku dayeen gaadiidlayda basaska isaga goosha Magaalada Burco gudaheeda.
Arintan ayaa ka dambeysay markii lagu war-helay shalayto uun inay dadwaynihii raaci lahaa oo ku raaci jiray qiime kun shilin ah inay ka dhigeen 1500 kun iyo shan boqol oo shilin ah,iyaga oo aan soo marin sifo shari ah taasna ay dad waynuhu ka muujiyeen dareen adag.
Xoghayaha dawlada hoose ee Burco Mr- Cismaan oo Xafiiskiisa isugu yeedhay basaslayda Magaalada Burco ayay iskula meel dhigeen, inay joojiyaan waxyaabaha dadwaynaha kacdoonka ku keenaya waxaanu seegay,'' waxaan shalayto markaliya basaslaydu ay iska kordhiyeen qiimihii basaska iyagoo aan nasoo ogaysiin taasina aad iyo aad bay dadkii u damaqday,halkan go’aan baanu ku kala qaadanay basaslayda basku marka uu wax kordhinayo waa inuu sharci maraa,ilaa shidaal iyo wax kale ku korodho mooyee iskama kordhin karo,hadan wax sidaal ah oo kordhay ma jiro”ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi ku daray inay Hay’adaha amaanka Gobolka kala balameen ilaalinta nidaamka arintan ka yaala “madaxdii booliska waxaan ku balamiyay inaanay dib wax layska kordhin karin,una dul qaadan mayno dadwaynahana waxaan ka codsanayaa hadii ay dhacdo oo wax kun shilin ka badan la waydiiyo inaany shoobare samayne ay xafiiska noogu yimaadaan,anaguna waxaanu dadwaynaha u balanqaadaynaa inaanu talaabo cad ka qaadno”ayuu yidhi Xoghayaha dawlada hoose ee Magaalada Burco
dhanka kale dadwaynaha reer Burco ayaa ilaa maalmahan si aad ah u hadal hayey talaabadan ay basaslaydu qiimaha sare ugu qaadeen iyadoo ay intii bisha rabadaan gudaheeda ay maceeshadu sare u kacday.
Axmed Muuse
Burco Office