(GNA) Saynisyahanno baadhaya halka uu ka yimid jeermis dilaa ah oo Sacuudiga lagu arkay ayaa sheegay in geela laga helay jeermiskaas.
Cilmi baadhis ayaa soo jeedineeysa in laga yaabo in geela uu gudbiya cudurka lagu arkay meelo ka mid ah bariga dhaxe ee loo yaqaanno MERS.
Saynisyahannada ayaa jeermiska ka helay Geel ku nool dalka Urdun, waxayna doonayaan inay baadhaan Geella ku nool dalka Sacuudi Carabiya, iyadda oo dhowr ruux ay Jeermiskan ugu dhintay dalka Sacuudiga.
Cudurkan ayaa ilaa haatan ku dhacay 100 ruux, isagoo dilay kala badh tiradda dadka uu haleelay.
Masuuliyiinta dalka Sacuudiga ayaa ugu baaqey dadka Xajka tegaya sanadkan inay cudurka ka taxadaraan, oo ay qaadaan tallaabooyin ay ku sugayaan caafimaadkooda.
Dadka da’da ah ee u nugul cudurrada ayaa laga codasaday in aanay sanadkan tegin Sacuudiga oo ay Xajkooda dib u dhigtaan.
Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com