Thursday, August 8, 2013

Raysal-wasaare Saacid oo Dhambaal Hambalyo iyo Rejo wanaag Xambaarsan u diray Shacbiga somaliyeed


Muqdisho(GNA)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa caawa Hamabalyo ku aadan ciidul Fidriga u diray shacabka Soomaaliyed meel walba ay joogaan, kadib war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiskiisa.





War saxaafadeedka ka soo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in maalinta berri oo ah Maalin Ciid ah uu shacabka Soomaaliyed la qeybsanayo farxada ciida, sanadkan kiisa kale ku gaaraan barwaaqo, nabad iyo caafimaad taam ah.

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo kan Xukuumadda, waxaan halkaan Hambalyo ku aadan Ciidul Fidriga uga dirayaa dhamaan ummada Soomaaliyeed in uu Ilaahay ku gaarsiiyo Sanadkan kiisa kale Barwaaqo, Bash-Bash, Caafimaad iyo imaan Suuban, 
Waxaan sidoo kale Ilaahay idiinka baryayaa inuu idinka aqbalo soonkii aad soonteen bisha barakaysan ee Ramadaan" ayuu yidhi Ra’iisul Wasaare Saacid

Ra'iisul Wasaare Saacid ayaa sheegay in Ciidul Fidriga iyo Ciidul Adxa ay muhiimad gaar ah u leeyihiin dadka Muslimiinta, waana maalmo weynayntoodu qiimo weyn ugu fadhiyaan dhamaan shucuubta Muslimiinta, waxaa kulma bulshada qaybaheeda kala duwan iyagoo isugu hambalyeeynaya, farxada Ciidda,

“Waxaana halkan baaqa uga dirayaa anigoo ka fa’idaysanaya fursadaan Ciida dhamaan shacabka Soomaaliyeed inay iscafiyaan, isu naxariistaan, una midoobaan cadowgooda habeen iyo maalinba u taagan qaraxyada iyo dhibaataynta shacabka"ayuu yidhi Ra'iisul Wasaaruhu.

“Waxaana hambalyo gaar ah u dirayaa ciidamada qalabka sida oo habayn iyo maalin u taagan difaaca dadkooda iyo dalkooda, iyagoo ku shaqaynaya duruufo adag, Waxaan dhanka kale ugu baaqayaa dhalinyarada la marin habaabiyay ee loo adegsanayo dhibaataynta shacabka iyo bur-burinta dalka inay ka waantoobaan falalka argagixiso ayna ku soo biiraan bulshadooda Soomaaliyeed ee nabada jecel”

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka soo muuqato rajo wanaagsan oo dhanka siyaasadda, horumarka dhaqaalaha, adeegayada bulshada, iyo dadaal dheeri ah oo ay dowladu ugu jirto sidii ay muwaadiniinta Soomaaliyeed u heli lahaayeen nabad galyo taam ah, taasna loo baahan yahay in ay shacabku ku garab istaagaan dowladooda si wadanka loo gaarsiiyo horumar.