Annaga oo yaabban, talona nagu caddaatay wax aanu samaynnana aannaan garanaynin ayaa Ilaahay amarkiisa waxa soo da’ay roob aannan garanaynin meel uu ka yimi, xilliguna ma ahayn wakhtiyada la filo in daruuruhu curtaan, markiiba waxa uu daadku mulacyeeyay waddadii aanu ka baqanayay in siigadayada laga arko judhiibana waxa aanu dhex qaadnay daadkii, waayo boodhki wuu nabmay. Iyada oo roobkii laga jirsanayo, ciidankii magaalada joogayna ay gawaadhidii u saareen dhanka balliga ayaanu Oodweyne galnay, dadkii qaar ayaa yaacay oo weerar mooday. Magaaladiina waanu isku xeernay (square ayaannu ka qabannay) inta wax kala caddaanayaan waayo raggii aanu hore u soo dirnay ayaa qaar laga bajiyay. Dadki markii ay na garteen cidda aanu nahay way soo laabteen, waanay nagu soo urureen.
Waxaanu nidhi ”waxaanu u soconnay shirkii Ceel-xume niman reerka ahna waanu nahay”. Waxa naloo sheegay in Suldaankii aanu u soconnay oo Suldaan Ciise XirsiQani ahaa la isku garan waayay habka wax loo wadayo, isla markaana la guddoonsaday in dagaalku socdo. Runtii arrinku wuu nagu adkaaday, magaaladana aad uma aannan kala garanayn, waxaanu dadkii ku nidhi ”Na tusa gurigii Suldaanka” cid nala hadashaba waanu waynay dadkina waa wada aamuseen waayo waxa ay ka yaabeen gawaadhidan aadka u hubeysan ee magaalada soo gashay. Wiil yar ayaa noo tilmaamay gurigii suldaanka, isagii ayaanu gaadhiga saarnay si uu noo tuso. Gurigii Suldaanka ayaannu ku degnay oo aannu fadhiisannay, magaaladi way na wada ogaatay waxaanay dadkii deegaanku u kala jabeen laba qaybood, qolo duulaan noo aragta oo tidhaahda ”Wallaahi nimankan waxa daba socda ciidanka dawladda waana la inna qabsanayaa” iyo dar yidhaahda ”Bal aynu nimanka waxa magaalada keenay weydiinno waxna hubsanno”. Markaa dadki waa kala irdhoobeen.
Odayaal door baa noo yimi waxaanay na su’aaleen yoolka aanu u soconno, waxaanu u sheegnay
1. In aanu nabad u soconno
2. doonayno in wixii dhibaato jirayna la qaado,
3. in ciidanka ay ka saaraan magaalada si dadku u soo dego
4. in ciidammada dawladda ee Burco ku sugan loo wareejiyo degmada Qoyta sidaana aanu isku ognahay Madaxweynaha Somaliland iyo
5. In la bilaabo wadahadal nabadeed
Dadweynuhu markaas nabadda way doonayeen, waayo ma ay jirin ujeeddo cad oo la isku dilayay, laakiin waxa laga diriray shaambado lagu dhuftay dadka qaar oo ahaa inay rabaan Soomaali-weyn iyo Federaal. Waxase carqalad nagu noday guddi markaas la doortay oo mooday in aannu madaxnimadooda halis ku nahay. Waxa la yidhi ”Waa in nimankan lagala wareego hubka ay sitaan, laguna xidho buuraha” oo ergo naga horreysay oo Xildhibaan Dhugad ka mid ahaa ayaa buuraha la geeyay, waxaana dhanka Oodweyne usoo baxay qaar ka mid ah ciidammadii Garaxajis ee Burco ku sugnaa.
Waxa saqdii dhexe (02:00 habeennimo) noo yimi nin Sheekh ah oo gaar ula baxay Suldaankii waxaanu ku yidhi ”Uma baahnin khasaare iyo dhimasho beesha ka dhex dhaca, nimankanina way hubaysan yihiin loomana arko kuwo dhex u noqon kara mucaaridka iyo dawladda oo dhinac ayaa loo tirinayaa, inay waalan yihiin ayaa loo tirinayaa. Ciidammadii Burco ku sugnaana iyaga oo kolonyo ah ayay dhanka Oodweyne u soo jeedaan markaa intaas mashaqo dhicin aday nimankani ku soo degeene inta aan waaberiga la gaadhin ka saar magaalada kuna celi halkii ay ka yimaaddeen” Isaga oo markaa ka baqa qabay in gulufo hor lihi bilaabmaan.
Suldaankii ayaa dabadeed igu soo noqday waxaanu igu yidhi ”Wasiir, belaayo ayaa taagan, guddidi way shirtay waxaanay go’aamiyeen in la idin qabqabto oo buuraha la idin geeyo. Niman odayaal ah baa ii yimi, ciidamadii Burcona way soo socdaan, markaa inaad caawa guddaan ayaa lagu kala badbaadayaa”. Markaa dhambaalkii nabadda ee aannu wadnay suldaanka mooyaane umaanu gudbin cid kale, waxaan ku idhi Suldaankii ”Suldaan, haddii aad na weeraraysaan inaga oo xigaal ah isla markaana hebel iyo hebel isu garanayna na weerara berri, wixii ka yimaadda waa la arki. Laakiin annagu ma nihin niman Oodweyne ka qaxaya”.
Suldaanku wuxuu ku noqday ninkii doonayay in aanu dib u laabanno, waxaanu u sheegay inaanu diiday noqoshada, ninki wuxuu yidhi ”Suldaan, berri 09:00 arooryo ayaa la weerarayaa raggan, wixii ka yimaaddana adiga ayaa ka masuul ah”
Suldaanki wuu naga quustay, habeenkii hurdo ma jirtee meelo ayaanu ka dalooshannay. Waxyaabaha la-yaabka leh waxa ka mid ah waxa nala socday laba nin oo mid magaciisa la yidhaahdo Shariif oo aan adeer u ahay iyo nin reer Gebiley ah oo aanu ka kiraysannay darawlna ka ahaa gaadhi Laan-kuruusar ah, dadkii magaaladu habeenkii ay doodeen, waxaanay yidhaahdeen ”Waar nimanku waa xigaale maxaa loo weerarayaa?”. Dabadeed qaar baa yidhi ”Xaggay reerkeenna ka yihiin, wallaahi illaa Ashraaf baa ku jirta”. Iyaga oo magacii ninka aan adeerka u ahayn ee Shariif u qaatay qolada Ashraafta, dabadeedna waxa aan ku idhi ”Bal wuxuu magacaagaasi noo soo jiiday eeg”.
Waxa naloo sheegay inay magaalada soo galeen lix iyo toban tikniko ahi aroornimadana nala weerarayo. Waxa guriga joogay Suldaanka, xaaskiisa iyo laba carruur ah oo uu dhalay, waxaanu ka shaqaynayay nabadgelyada, mar walba markuu xaaladda cakiran arko wuxuu lahaa ”maxaa meesha idin keenay? Dagaal baad maanta i geliseen”. Shariif waxa aan ku idhi ”ii sheeg haddii Suldaanku baxo, waxaanu ii sheegay inuu Suldaanki dibadda u baxay. Waxa aan ku idhi ”Xaggee ayay xaaskii iyo labada carruuri joogaan?”. Wuxu yidhi ”Qolka karinta cuntada” Aniguna ”dusha kaga xidh ayaan idhi” waxaanan ka baqay inay Suldaanka ka daba-tagaan, sidaana waxaan uga jeeday in aanu naga fogaannin, mar haddii ay reerkii iyo dhallaankiba guriga ku sugan yihiin, waana nalagu xeernaa .
Markii uu Suldaanku boqol tallaabo u socday kambalka guriga ayaa rasaas oodda nalagaga qaaday, gawaadhida waxaanu dhignay dibadda oo waxaanu is-nidhi haddii ad adeegsataan waxa dhalan kara khasaare baaxad leh waxaanu isku difaacnay hub fudud oo aanu sidannay. Cabbaar kolkii la is-weydaarsaday xabbad ayaa gaadiidkii la kaxaystay waxaana ka mid ahayd xaajiyad uu lahaa Siciid Sulub Maxamed Wasiirkii Hore ee Hawlaha Guud oo aannu arrinka ka wada soconnay, markii la baadhay baabuurta ayaa wax lacag ah laga waayay, waxaan maqlay dumarkii oo ragga ku guubaabinaya ”Lacagtii iyo Ina Warancadde-ba gudaha ayay ku jiraan”. Waxaan ka baqday in naloo soo daato, kaddib waxaan adduunkii aan siday ku riday daasad taalla kijada oo, waxaanan is-idhi haddaad dhimato yaanay lacagta helin duulka aad is-dilaysaan.
Dood adag ayaa reer Oodweyne dhex martay kuna saabsanayd in dagaal nalagu qaado iyo in wax nala weydiiyo. Ugu dambayn waxa ay bulshadii deegaanku u bateen dar ka marag-fura inaannaan weerar ahayn, wadahadal ayaa bilaabmay oo waxgarad iyo salaaddiin ayaannu la kulannay, waxaanu isla garannay in aanay wax dani ahi ku jirin dagaalkan lana ambaqaado jidkii nabadda waana la isku afgartay. Waxa Hargeysa noo soo raacay madax-dhaqameed Suldaanku ku jiro, dhabbahaas ayaana ka mid ahaa dariiqyadii lagu helay heshiiska iyo xasilloonida ka dhaxaysa Bulshada Somaliland. Waxa mudan in dadku dhammaan iska cafiyeen dhibaatooyinkii markaa dhacay iyada oo aan la odhan yaa gardarnaa.
Intii aanu Oodweyne joogay ayaa mar idaacado laga sheegay in maxaabiis ahaan naloo qabtay, taasna waxa ka cadhooday Madaxweyne Cigaal oo qorsheeyay in xoog nalagu soo furto waxaanu ciidammo soo dhoobay Badarwanaag. Nasiib-wanaag, annaga oo si nabad ah u soo laabannay, madaxdii dhaqanka iyo dadkii deegaankana wax nalaga socdaan. Sidaas ayay qayb ahaan ku dameen shamacyada colaadihii Somaliland ka aloosmay xilligii Madaxweyne Cigaal.
Tebinta iyo tifatirka
Axmed-Yaasiin C/Raxmaan Axmed (Dool)
ayaasiin55@hotmail.com