London(GNA)-Mudaharaad lagu xoojinayo Ambiil ay saxeexeen in ka badan labaatan kun oo qof oo Somali ah oo ka soo horjeeda go’aanka Banka Barclays ee Ingiriisku ku xayirayo Xawilaadaha Lacagaha ee ay xawaalada somalidu ka soo dirsadaan ayaa ka dhacay Maanta afaafka hore ee Aqalka looga arimiyo waddanka Ingiriiska.
Boqolaal qof oo Somali ah ayaa halkaasi ka dhigay dibad bax ay ku muujinayaan sida ay uga xunyihiin talaabada Baankaasi ku joojinayo xawilaada lacagaha iyo Buug-xisaabeedyada uga furan in ka badan 250 Xawaaladood oo ay leeyihiin dad Somali ah iyo kuwo ka soo jeeda dalalka ka mid ah Qaarada Asia.
Dadka mudaharaadka dhigay ee gudbiyay codsiga waxa hoggaaminaysay gabadha xildhibaanada ah ee Rushanara Ali oo laga soo doorto xaafadda Bethnal Green iyo Bow ee bariga magaalada London.
Bangiga Barclays waxa uu sheegay in heyadaha lacagta qaarkood aanay lahayn nidaam sax ah oo lagu hubiyo falalka dambiyada, sidaa darteedna ay fududeyn karaan in lacago si aan sharci ahayn la isugu gudbiyo iyo in aragaxisada dhaqaale loogu diro.
Mudaharaadkan ayaa socday iyadoo koox ka socota Shirkadaha Lacagaha dira iyo Bulshada kale ee Caadiga ahi u gudbinayeen diidmadooda ku aadan joojinta dirista Lacagaha, kaasoo ah Ambiil ay saxeexeen 20,000 oo uu ka mid yahay Orodyahanka caanka ah ee MO FARAH, loona gudbinayay Reysal-wasaraaha dalka Ingiriiska David Camaron.
“go’aanka Banka Barclays, waxaanu u aragnaa mid dhibaato ku keenaya dadka eheladayada ah ee aanu Biilasha u dirno, waxaanay doonayaan inay lacagta la dirayo ka dhigaan BAN TO BAN, laakiinse dalkii Baan Kama jiro”sidaasi waxa tidhi mid ka mid ah haweenkii ka qayb-qaadanayay dibad baxaasi.
Dhinaca kale Maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil Cabdirashiid Maxamuud Siciid (Dahab-shiil),oo ka mid ahaa shakhsiyaadka Codsiga u gudbiyay reysal-wasare David Camaron, ayaa xaqiijiyay inay dalabkaasi u gudbiyeen Aqalka looga arimiyo UK.
Talaabadan ay qaadeen Jaaliyada waddamada somalidu ka mid tahay, ayaa ka dambeysay ka dib markii laba bilood ka hor Bangiga Barclays oo ah kan ugu weyn ee ay la macaamili jireen shirkadaha lacaga diraa ku dhawaaqay inuu xidhayo Acounts-yadii uga furnaa Xaawaladaha somalida, taasoo ay si weyn uga gil-gisheen Ganacsatada macaamulku ka dhexeeyay.
Gobanimonews
London Office
Email: editor@gobanimonews.com