Garoowe(GNA)-Kooxda isbahysiga Isbahysiga Rajo Soo Celinta Puntland ayaa la sheegay inay hor dhigeen Qoraal ka kooban lix bog Maxkmada Denbiyada dagaal kaasoo ay ku eedeynyaan Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole inuu yahay Dambiile Dagaal iyo inuu galay gabood-falo ka dhan ah xuquuqda aadamaha.
Dacwadan eedda ah ayaa laga soo xigtay xubno ka mid ah Kooxda gudbisay in lagu lifaaqay Qoraal Xanbaarasan xog muhiim ah iyo Muqaalo Sawiro ah, oo lagu sharaxay in mudadii uu xilka hayey Maamulka Faroole uu ku kacay Gabood falo la xiriira Awood sheegasho, Cabudhin Xoritul Qawlaka ah iyo Dilal qarsheysan oo laga fuliyey degaanada Puntland.
Qoraalkana waxaa lagu muujiyey 357 qof oo Rayid ah oo ka mid ahaa Bulshada reer Puntland oo dilalkooda laga amray Madaxtooyda, taasoo loola dan lahaa cabsi gelinta shacabka si uu xilka ugu negaado.
Baaadhitaan Isbahasigani waday mudo laba sano ayuu ku ogaaday Shirqoolada iyo amaan xumda uu ka qayb ka ahaa Maamulka jira.
Waxa kale oo la sheegay inaay warysiyo la yesheen Ehlada Dad la dilay oo ay galfteen Shirqoolada dahsoon ee ka socday Puntland Kuwaasi oo uu qiray inuu Maamulku ka danbeeyo dhimashada dadkooda.
sidoo kale Qoraalkan waxa lagu xusay waraysi laga qaaday Aabe wiil uu dhalay oo 14 jira ahaa ciidamadu Dil toogasho ah ku fuliyeen ka dib markii ay ku edeyeen shabaabnimo.
Warbixinta ayaa waxa sidoo kale Lagu qeexay inay Dacwada u Gudbiyeen Hay'addaha Xuquuqul Isaanka iyo Dowladaha daneeya Arrimaha Somaliya Gaar ahaan Puntland.
Lama oga Go’aanka ay qadaan Doonto ICG marka Faroole xilka ka dego taasi oo Sababi karta in Maxkamada Casumaad u so dirto haduu dhegaha ka fureestona si dhab ah loo iclaamin doono inuu yahay Denbiile dagaal taasi dhibaato ku noqon doonta degenaanshiyihiisa dalka Australia.
Sheegashada gudbinta dacwadan Kooxda rejo-soo celinta Puntland ayaa ku soo aadaysa xili bilihii u dambeeyay Madaxweyne faroole la tacaalayay daminta Mucaaridad xoogan oo gudaha kaga oogan iyo amaan daro ka taagan Deegaanada uu maamulo.
Iyadoo geesta kalena dheekadan shaacinteedu ku soo beegantay dhawr todobaad ka dib markii uu laalay qabsoomida doorashooyinkii deegaanada oo Jahawareer siyaasadeed iyo nabad-gelyo ka hortimi maalin ka hor xiligii loo cayimay in loo dareero.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole ayaan haatan taageero balaadhan ka haysan Gobolka uu madaxda ka yahay, waxaase inta badan shacbigu ku saacidaan saamaynta uu ku leeyahay dawlada Federaalka ah iyo sida uu badanaa uga hor-yimaado talaabooyinka ay qaado ee Reer Puntland qawadaan.
Gobanimonews
Garowe Office
Email: edior@gobanimonews.com