Monday, August 5, 2013

Muqdisho: Magacyada 11-kii Goobood ee la Qaraxyay, Xaalada Magaalada iyo Xidhiidhka ka dhexeeya Digniintii USA iyo weerarkan


Muqdisho(GNA)-Magaalada Muqdisho ee Caasimada somaliya wixii ka dambeeyay 9:00 Caweysnimo waxay ku soo yara noqotay caadi, inkasta oo ilaa afrurkii galabta ay ka dhacayeen Qaraxyo si wadar ah loogu weeraray goobo muhiim ah oo ay Xeryo ciidan ku jiraan.




Tirada goobaha Qaraxyadu ka dhaceen ayaa sii kordhaya, waxaanay gaadhayaan ilaa hada inta la xaqiijiyay 15 Meelood, kuwaasoo xiliyo isku dhaw siyaabo kala duwan loogu weeraray.




Lama hayo Khasaaraha dhabta ee weeraradan, hase ahaatee waxa jiro dhimasho iyo dhaawac  aan tiro sugan lahayn oo ay sababeen.




Gaadiidka Gurmadka Deg-dega ah ayaa dadka ku waxyeeloobay qaraxyada ka soo guraya daafaha Magaalada deegaamada qaraxyadu ka dhaceen, waxaana jira cabsi iyo feejignaan sababtay inay yaraadaan xuuraanka iyo wararka laga helayo Saraakiisha amaanku.




Ma jiro ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay laamaha amaanka Dawlada oo ku saabsan in cid loo qabtay weeraradan iyo Khasaaraha ka dhashay.




Dhinaca kale ma jirto cid sheegatay weerarkan toona, hase ahaatee shicib iyo dawladba waxa la rumaysanyahay inay ka dambeyso kooxda Al-shabaab oo horaantii bisha Barakaysan ee Ramadaan wacad ku maray inay sii laba jibaarayaan weerarada ay ku bartilmaameedsanayaan Xeryaha dawlada iyo saldhigyada Milateriga AMISOM.




Mareegta Gobanimonews oo baadhitaano dheeraad ah iyo xaqiiqo raadin ku samaysan goobaha rasmiga ah ee Qaraxyada lagu weeraray, ayaa xaqiijiyay  11 goobood oo xaafadaha Magaalada ku kala yaalo oo weeraradaasi laga fuliyay.




Goobahaasi ayaa kala ah:-
1-Isgoyska Dabka oo xidhiidhiya dhowr degmo sida Hodon,H,wadaag iyo Waaberi.
2-Isgoyska Banaadir ee degmada Wadajir hal qarax ayaa lagasoo sheegay
3-Laba qarax waxay ka dhaceen Beerta Jaadka oo dacalka ku heysa Ex.Jaamacaddii Umadda.
4-Buula Xuubeey Wadajir gaar ahaan Villa Baydhabo qarax xoogan ayaa ka dhacay.
5-CID-da degmada Hodon Hal qarax ayaa ka dhacay.
6-Dabakaaya Madoow degmada Madiina Hal qara ayaa ka dhacay.
7-Saldhigga Afar Irdoodka degmada X.weyne Laba qarax ayaa lagu weeraray halka xarunta degmada qarax laga maqlay.

8-Xerada Sariindi degmada X/jajab qarax weyn ayaa laga maqlay salaaddii Maqrib kadib
9-Xaafadda sheelare oo X/Jajab katirsan iyana waxaa laga maqlay qarax weyn
10-isgoyska Sanca degmada Kaaraan waxaa isna lagu weeraray 2 qarax
11-isgoyska 4-ta darjiino ayaa iyana hal qarax laga maqlay.

dhinaca kale Warbaahinta u xaglisa Kooxda Alshabaab ayaa ku warantay inay jiraan qaraxyo kale  oo ka dhacay xaafadaha Suuqa Xoolaha,Towfiiq,Cali Kamiin,Dayniile iyo deegaanno kale waxaana adag in tirakoob rasmi ah laga bixiyo qaraxyada caawa maadaama wararku iskasoo daba dhacayaan.




Dhinaca kale Cabsibada amaan ee Magaalada ka jirta ayaa ugu sii daran xiliga oo lagu jiro Salaada Taajudka, maadaama dadka weeraradan fulinayaan ay yihiin kuwo islaamnimo sheeganaya oo Salaada soo gelaya, kuwa ay dilayaana yihiin dad Muslim ah, marka laga yimaado askarta ajaanibka ah.




weerarkan ayaa  ku soo beegmay saacado ka dib markii Dawladaha maraykanka, Ingiriiska iyo Hay’ada Bilayska aduunka ee INTERPOLE ay digniino ka soo saareen weeraro argagixiso oo ay Ururka Al-qaacida ka fulin doono in ka badan 21 waddan oo islaam ah, iyadoo INTERPOLE digniinteeda u kala dirtay Boqol iyo dhawr iyo sagaashanka dale e xubnaha ka ah.




Dawlada Maraykanka ayaa saaka al-baabada u xidhay Safaaradahooda 21 waddan ee ay ka digtay inay Al-qaacida qorsheynayso inay weeraro ku qaado, iyadoo sidoo kalena sii laba jibaartay 48-kii saacadood ee ugu dambeeyay  digniinta ay u dirtay Mawaadiniinteeda dunida ku kala filiqsan oo ay taxadir iyo foojignaan u sheegtay.




Digniinaha dawlahan waaweyn iyo Ururadda Caalamiga ah oo aan lagu xusin somaliya, ayaa hadana khubarada dhinaca amaanku sheegeen inay somaliya ka mid tahay dalka ugu horeeya ee ay arintani saamaynayso.




“Digniintani inkasta oo wadamo kale oo Islaam ah oo kale ku socoto Mawaadiniinta ka jooga Maraykanka, hadana waxay ila tahay inaanay ka reebanayn dadka somalida ah ee dhalashada Maraykanka haysa ee jooga somaliya, waxaanan u soo jeedin lahaa inay foojignaan sameeyaan iyaga iyo dadka kale ee somalida ah, waayo dhibaatada ay Al-shabaab ku hayso maalin walba waynu ka war-qabnaa”sidaasi waxa Sabtidii Ideecadda VOA-da u sheegay Prof Cabdi-naasir Jamaal oo ah Khabiir wax ka dhiga Jaamacad ku taala Gobolka Florida ee Dalka Maraykanka.




Si kastaba ha ahaatee weeraradan caawa ka dhacay Muqdisho oo kuwii ugu badnaa ee hal mar iyo saacado kooban laga fuliyo, ayaa waxa cajiib ah in dhacdadoodu timi tiiyoo aanay wax weeraro ahi ka dhicin dalalkii Reer Galbeedka iyo Interpole digniinta ka soo saartay.