Hargeysa(GNA)Xubno Ka Mid ah Culimada Waa weyn ee Jimciyatul Axbaab ee magaalada Hargeysa ayaa fariin Muhiim ah oo ku Saabsan Faa”iidada Bisha Ramadaan u direy, Guud ahaanba Dadka Muslimiinta ah meelkastoo ay Caalamka kaga Sugan yihiin iyagoo Sidoo kale ugu Hanbalyey Fadaliga Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee aynu ku jirno Tobankeedii Danbee ee Khayr ka lahayd,Waxayna Guud ahaanba u soo jeediyeen Dadka Muslimka ah in ay ka faa”iidaystaan Khayrka Bisha Ramadaan.
Culimadu Sidaasi Waxay kaga hadleen Shir jaraa”id oo ay Caawa Si wada Jira ugu Qabteen Magaalada Culimadu waxay Dadka Muslimiinta ah gaar ahaan Bulshada Reer Somaliland ku adkeeyeen in ay ka ku dadaalaan sidii ay Khayrka Bisha Ramadaan ay u laban laabi lahaayeen Siiba Tobanka Danbe ee Laylatul Qadriga waxayna soo jeediyeen in ay laban laabaan Bulshada Muslimiinta ahi ka qayb qaadashada iyo u dadaalida Tobanka Danbe ee Bisha Barakaysan ee ramadaan
Kulankan ayaa waxaa ugu Horeyn ka Hadley Sayid Maxamed Sayid C/laahi X.Cilmi Nuur oo iftiimin balaadhan ka Bixiyey Qiimaha ay leedahay Tobanka Danbe ee ramadaan,waxaanu Dadka Muslimka ah ku adkeeyey in ay joogteeyaan Sidii ay ugu dadaali lahaayeen Habeenada lagu sheegay in uu ku jiro Habeenka Qaaliga ahi ee LAYLATUL QADRIGU
Sidoo kale Sheekh Xasan Cabdi Maxamed…ayaa isna ku dheeraaday Faaiidada ay leedahay Bisha Ramadaan iyo Wax yaabaha looga Baahan yahay Qofka Muslimka ah ee Sooman,waxaa uu sheegay Sheekhu in looga Baahan yahay Qofka Muslimka ah ee Soomani in uu iska ilaaliyo Wax kastoo Soonkiisa Wax u dhimaya Sida Cayda,Xanta iyo wixii la halmaala ee ayna diinteenu ogoleyn,isla markaana waxaa uu sheekhu Hoosta ka Xariiqey in ay Muhiimtahay in la joogteeyo Acmaasha Bisha Ramadaan.
Sheekh Maxamuud Cumar Cali ayaa isna ku dheeraaday in ay waajib ku tahay Qofkastoo Muslim ah in uu ku dadaalo Sidii uu ugu dan lahaa Waajibka ilaahay Saarey isla markaana uu iska ilaaliyo wixii Nusqaaminaya Khayrka Bisha Ramadaan
Sidoo kale Sheekh Maxamuud Cumar Cali waxaa uu faah faahin dheer ka Bixiyey faa iidada iyo Khayr ka ku jira Sakaatul Fidriga iyo Dadka ay waajib tahay in la siiyo iyo Wakhtiga la Bixinayo Sakaatul Fidriga waxaa uu sh.Xusay in ay tahay in Sakada la siiyo Dadka u baahan ee ay ku Baxayso siiba dadka Masaakiinta ah waxaa uu shheegay in ay Fiican tahay in Sakaatul Fidriga la Bixiyo Marka laga Soo Baxo Salaada Ciida .