Sergio Ramos ayaa ugu baaqay Real Madrid inay iska ilowdo waayihii Mourinho ee Santiago Bernabeu islamarkaana ay diirada saarto kaliya waayaha cusub ee Carlo Ancelotti.
Isagoo saxaafada la hadlayay ka dib kulan saaxiibtinimo ee ay 2-1 kaga badiyeen Everton, Ramos ayaa sheegay inay doonayaan inay caawiyaan tababaraha cusub.
“Waa inaan iska ilowno waayihii Mourinho, islamarkaana aan diirada saarno waayaha Ancelotti” ayuu 27 jirkaan u sheegay suxufiyiinta.
“Qaab ciyaareedka Ancelotti naguma cusba, laakiin waxa uu isku dayayaa inuu ciyaaryahan walba doorkiisa ugu fiican ka soo saaro” ayuu hadalkiisa raaciyay, ka hor inta uusan qiran in tababaraha Talyaaniga uu falsafad ka duwan tii hore la yimid kooxda.
“Waxaan heysanaa ciyaaryahano waa weyn oo tayo weyn leh, waana inaan loa qabsano qaab ciyaareedka cusub. Waxaana heysanaa ciyaaryahano natiijo keeni kara oo si sahlan weerar ku qaadi kara.”