Tuesday, August 6, 2013

M/weyne Siilaanyo iyo Qoyskiisa oo Madaarka Hargeysa kula kulmay Suldaan Maxamed C/qadir iyo M/tooyada oo Shaacisay Kormeer Qarsoodiya+ sawiro






 



Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Marwadiisa Aamin Xaaji Maxamuud (Jirde), ayaa Maanta  la sheegay inay kormeer qarsoodi ah ku tageen Madaarka diyaaradaha ee Caasimada Hargeysa, halkaasoo aan la ogayn ujeedada ay u tageen, hase ahaatee madaxtooyadu sheegtay inuu ugu kuur-gelayay hawsha dib u dhiska ah ee ka socoto.




Qoraal kooban iyo sawiro Caawa saacad dambe laga soo diray ayaa sidoo kale lagu sheegay inuu Madaxweynuhu soo maray qaar ka mid ah Jidadka waaweyn ee Caasimada oo uu soo indho-indheeyay Baahiyaha ka jira, waxaana qoraalkaasi lagu xusay inuu ahaa mid aanay warbaahintu la socon.




Sida ka muuqata Sawiraddan laga soo diray Madaxtooyada wuxuu gudaha madaarka kula kulmay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo qoraalka lagu sheegay inuu kormeerkaasi ku wehelinayay Madaxweynaha iyo Marwadiisa.




Hase ahaatee ma cadda arrimaha ay ka wada hadleen iyo ujeedada kulankooda toona, inkasta oo ilo-wareedyo Gobanimonews ka heshay sheegayaan inuu kala hadlay dhawr arimood oo ay ugu weyntahay arinta muranka ka taagan Golaha wada-tashiga iyo toosinta iyo sidii Suldaanku uga qayb-qaadaan lahaa qorshaha ay xukuumaddu doonayso inay kaga hortagto.




Qoraalka ay Kormeerka madaxweynaha ka soo saartay madaxtooyadu ayaa u dhignaa sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu maanta Duhurnimadii kormeer shaqo ku soo maray Garoonka Diyaaradaha ee Egal international Airport Hargeisa oo hada dhismihii Runway-gu uu gebegabo yahay dhawaana la furi-doono insha allaah.




Kermeerkan madaxweynaha oo ahaa mid kedis ah saxaafaduna aanay ogayn ayaa waxa uu madaxweynuhu ku soo kormeeray dhamaan qaybaha kala duwan ee Airport ka isoo kalena waxa uu madaxweynuhu soo maray wadooyinka Caasimada, xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeisa, isaga oo u kuur gelaya baahiyaha iyo horumarka ka socda caasimada taasi oo madaxweyne Axmed Silaanyo ay bulshadu ku amaanto marwalba.




waana madaxweynihii ugu horeeyey ee caasimada Somaliland Habeen iyo Maalinba ku soo mara Kormeero noocan ah oo kale ah isaga oo aanay saxaafada iyo Ciidamada kala duwani aanay la socon taas oo ku tusaysa inay madaxweynaha ka dhabtahay horumarka dalka iyo ka war hayntiisuba.




Madaxweynaha waxa kormeerkan ku wehelinaayey Marwada koowaad Dalka Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde, Wasiirka Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan iyo Suldaan Maxamed suldaan Cabdiqaadir.




Waa markii ugu horaysay ee Madaxweyne Siilaanyo kormeer  sidan oo kale loo qariyay uu dibada ugaga soo baxay Madaxtooyada, inkasta oo ay hore u jireen marar badan oo uu goobo mucayim ah ku tegay booqasho xiliyo Habeen u badnaa mudadii uu xukunka hayay.




Hase ahaatee xiliyadii uu hore uga soo baxay madaxtooyada ee uu kormeerka ku soo maray suuqyada iyo mar uu booqday goobo Cisbitaalka EDNA AADAN ka mid yahay, waxa jiray inay warbaahintu la socoto, islamarkaana loo ogolaaday telefishanada muxaliga ah qaarkood inay muuqaalo ka duubtaan.




Kormeerkan la sheegay Maanta madaxweynuhu inuu Madaarka iyo meelo kaleba ku tegay ayaanay Caawa telefishanada iyo warbaahinta kale ee dalku wax xog ah ka ahayn, iyadoo xataa telefishanka iyo Ideecada dawlada midkoodna shaacin, taasoo dareen weyn dhalisay, isla markaana dadka siyaasadda taxliiqiya sheegayaan inuu madaxweynuhu ujeedo ka balaadhan kormeerka Madaarka Madaxtooyada uga soo baxay.




Waxaana dareemada kormeerkan ka soo baxay sii tahkiidinaya, Wasiiradda xukuumadda, gaar ahaan wasiirka arrimaha Gudaha, Duulista iyo Hawada iyo Madaxtooyada oo ay daruuri ahayd inay la socdaan hadii kormeerkiisu ahaa mid shaqo  oo aanay wax kale ku lamaanayn.




Hoos ka Daawo Sawiradda:




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




 




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com