Monday, August 5, 2013

Isuduwe Xayir: Hay’adaa NRC,MSF iyoMedair waxay Gobolka T/dheer ka qorteen 400 oo qof oo sifo sharciya lagu shaqaaleysiiyay”


Burco(GNA)-Isuduwaha guud ee  Wasaarada Shaqada iyo arimaha Bulshada (Molsa) ee Gobolka Togdheer Ismaaciil Axmed Xayir ayaa warsaxafadeed u xafiiskiisa ka soo saaray ku beeninayay war dhawaan warbaahintu ka qortay oo sheegayay in Hay’ada NRC sifo sharciga ka baxsan shaqaale ku qoratay, wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshaduna indhaha ka qarsatay arintaasi.




Warsaxaafadeedka uu soo saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska war-qabadka Gobanimonews ee Magaalada Burco ayuu ku yidhi sidan:
“Sida la ogyahay ee sharciga dalkuna dhigayo Wasaarada shaqada iyo Arimaha bulshadu waxa hawl qabadkeeda ay qaranka ugu xil-saaran tahay ka mida Ilaalinta xuquuqda shaqalaha Rayidka ah ee ka hawl gala Hay'adaha Caaliamiga ah iyo Shirkadaha ganacsiga gaarka loo leyahay.
sido kale Wasaaradu waxay qaranka ugu xilsaaran tahay xoojinta iyo dhiirigalinta shaqo abuurka dhalinyarada ,sidaas darteed  ma ogola in lagu xad gudbo xuquuqda shaqalaha,ta loo shaqeeyaha iyo in si sharci daro ah logu xad gudbo wixii keenaya shaqo abuur.
Sido kale shaqalaha ay qataan Hay'adaha Caalamiga ahi waxay maraan sifo sharciya oo lagaga qado Itixaan xora anaga Wasaarad ahaana aanu ka mid nahay gudida Itixaanka qaadaysa,hadiba ay dhacdo inanu ka maqanahay gudida Itixaanka qaaday ansax ma aha Itixaankasi wanuna jojina iyada oo aanu raacayno sharciga xeer no 31/2004 ee ay ansixiyeen Golayasha sharci dajintu,dadka reer Somaliland iyada oo aan loo kala soocayb Lab,dhidig iyo Deegaan waxa waajiba inay shaqeeyaan,
Hadaba waxa keenay inaanu maanta soo saaro Warsaxafadeedkan waxa aanu ku beeninayna, War beena oo xaqiiqada ka fog oo todobaadkan lagu baahiyay shabakada wararka ee qarannews,warkaas oo wax lagaga sheegay qaabka shaqo qorista shaqaalaha NRC ee xafiiska Burco,
waxaanu umada u bayaaminayna in warkaasi yahay waxba kama jiraan cida warkaas qortayna ay tahay cid ku xad gudubtay sharciga qaranka iyo karaamada shaqaalaha iyo ta Hay'adaba waxanuna leenahay dadka wararka nocaas ah faafinaya bulshadina u tudha oo dadka ka daya wararka xanbaarsan xumaanta iyo dibu-dhaca.
Hay'adan NRC waxay ka mid tahay Hay'adaha Somaliland ka hawlgala kana samaysay waxqabadka muuqda gaar ahaana waxay ka mid tahay 3 sadexda Hay'adood ee NRC,MSF iyo Medair oo Gobolkan Togdheer ka shaqaalaysiyay 400 afar boqol oo muwaadin oo dhamantood lagu qaatay sifaha sharcigu jideyay.




Axmed Muuse




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com