Sunday, August 18, 2013

Muqdisho: Magaalo Gabood u noqotay Kufsiga Haweenka Jilicsan, DFS oo ka Gubatay Fadeexada kala soo dersay iyo Kacdoonka Dumarka


Muqdisho(GNA)-Fadeexad ka dhalatay Kufsiga lagula kacay Gabadh somaliyeed oo ku nool Magaalada Muqdisho todobaadkii hore,ayaa dibada soo dhigtay Boqolaal Kiis oo lagu Kufsaday Gabdho kale oo Somaliyeed sanadkan aynu ku jirno gudihiisa.




Ku dhawaad 800 dumar ah ayay Hay’adaha Xuquuqda Aadamaha ee Qaramada Midoobay iyo kuwa Caalamiga ah  ee tibaaxeen in kufsi loogu geystay gudaha Magaalo madaxda somaliya ee Muqdisho sideedii Bilood ee ugu dambeeyay,kuwaasoo uu ugu dambeeyay kan iminka dooddiisu taagantahay oo ay lagu eedeeyay Ciidamada dawlada somaliya iyo kuwo AMISOM oo qolo waliba sheegtay inay baadhayaan.




Dadka ka shaqeeya hawlaha bina’aadanimada, khaasatan ka hortaga dhibaatooyinka Haweenka lagula kaco, ayaa sheegay in Dumarka loo geystay Kufsiga iyo faro-xumeyntu u badanyihiin dadka jilicsan eek u jira Kaamamka baro-kacayaasha ee Magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale.




Gabadhan dhawaan la kufsaday ayaa Eheladeeda laga soo xigtay inay saddex Nin oo af-somali ku hadlayay kula kaceen dhibaatada loo geystay, waxaanay taasi muujinaysaa in Kiiskan si gaar ah farta loogu fiiqayo askarta Ciidamada Xooga dalka somaliya oo aanu wali jiritaankoodu qaan-gaadhin.




Kuwa fuliya Kufsiga Haweenka ayaa la sheegay inaanay u kala aabo yeelin Hablaha yar-yar ee soo kacaya iyo Hooyooyinka waaweyn ee Caydiga ah, taasoo ah arin fool xun oo xaalada ka dhigaysa mid soo hadal qaadkeedu xataa naxdin ku yahay Bulshada somalida iyo kuwa Caalamka oo dhan.




Tacdiyada ka dhan ah Xuquuqda Aadamaha iyo gabood falada lagula kaco haweenka ayaa somaliya ka dhacayay labaatankii sanadood ee la soo dhaafay, waxaanay ahayd mid ka mid ah Mushkiladaha bulsho ee waddanka ka jiray intii dawlad la’aanta lagu jiray.




Hase ahaatee waxa la filayay inay taasi meesha ka bixi doonto, marka ay dawlad shacbiga meteshaa dalka ka dhalato, mase muuqato ilaa hada rejo ay dawladu wax kaga qabanayso fal dambiyeedyada ka dhanka ah Haweenka iyo dadka Jilicsan, maadaama tuhunadda ugu badan ee laga hayo  Kiisaska Kufsiga loo aanaynayo Askarta dawlada.




Haweenka Somaliyeed ayaa iyagu  ku jira Marxalad ay kaga gil-gilanayaan dhibaatooyinka lagu hayo, waxaana magaalada ka socda Ololeyaal ka dhan arintaasi oo wacyi gelin, baraarujin iyo waliba gar-gaar u fidinta kuwa dhibaatadu soo gaadhay ku hawlan.




 



 



 




Waxaana Haweenka Kufsiga lagula kaco Daryeel Caafimaad iyo mid nololeed oo aan buurnayn ay ka helaan Ururadda Maxaliga ah ee arinta ka shaqeeya iyo Hay’ado ajaanib ah oo ay xidhiidh la leeyihiin. 




Fadeexada ka dhalatay Kiiskan ugu dambeeyay ee Haweenayda lagu Kufsaday ayaa Xukuumadda Federaalka somaliya ku noqotay dhimbiil dab ah oo ka soo duushay Ciidamada kala duwan ee ay ku fadhido Magaalada Muqdisho, waxaanay xukuumaddu sheegtay in kuwii ka dambeeyay falkaasi Cadaalada la horkeeni doono.




Af-hayeenka Reysal-wasaaraha somaliya Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo saaka la hadlay Laanta Afka somaliga ee Ideecada  VOA-da,ayaa sheegay inay dawladu ka xuntay falkan, Guddi heer Wasiir ah oo baadhitaan rasmiya ku sameeyana loo saari doono, “falkan dawladu aad iyo aad ayay uga xuntahay , waxaanu reysal-wasaaruhu magacaabay Guddi wasiiro ah oo baadhitaan ku samaynaya, waxaanay dawladu balanqaadaysaa in cidii uu falkaasi ku cadaado Cadaalada la horkeeni doono”ayuu yidhi Ridwaan Xaaji Cabdi-wali.




Dhinaca kale Guddida wasiiradda ah ee Kiiskan loo magacaabay oo isla maantaba warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in sheekada Kiiskan la buun-buuninayo, waxaanay taasi cadaynaysaa inay dawladu ka gubatay hadal-heynta warkan.




“Wax talaabo ah lama qaadi karo iyada oon la helin xog rasmi ah iyo cadeymo, sidaasi darteed, weli waxaan ku jirnaa uruurinta xogtaas, waxaana idiin xaqiijineynaa marka la soo gabagabeeyo xog uruurintan in cid kasta oo ku lug yeelata loo cuskam doono sharciga meesha ugu sareysa” ayay tidhi  Drs. Maryam Khaasim oo madax u ah Guddidan reysal-wasaaruhu magacaabay.




Dhanka kale, Drs. Maryam Khaasim ayaa beenisay warbixinada sheegaya in 10-kii haween ah ee Soomaaliyeed 9 ka mid ah la faraxumeeyey, waxayna xustay inay  arintani tahay ka badbadin iyo been abuur lagu fadeexadaynayo Haweenka somaliyeed “Arrintan waa buun buunis iyo ka badbadis, ragii Soomaaliyeed ee sharafta iyo haybada lagu yaqiinay iyo ciidamadii qalabka siday ee wadanka u taagnaa in illaa heerkaas la gaadhsiiyo been abuur intaas la eg uma dul qaadan doono”.




Natiijada ka soo baxda Baadhitaanada Kiiskan lagu hayo, ayaa tusaale u noqon doona sugida Cadaalada iyo Ilaalinta Xuquuqda bina’aadanimo ee dalka ka jirta, waxaana hadii ay ku cadaato Ciidamada dawlada noqonaysaa arin kalsooni daro ka dhex abuuraysa shacbiga iyo Hay’adaha Amniga noocay doonaan ha noqdeene.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Muqdisho/Somalia




Email: editor@gobanimonews.com