Sunday, August 18, 2013

Ogow Caruurta Hadii Ay Hurdo Fiican Helaan Waxa Ay Yeeshaan Xasuus Wanaagsan


(GNA) Culumo ku taqsuustay nolosha aadamaha ayaa waxa ay soo saareen cilmibaadhis cusub oo ku wajahan xusuusta caruurta yar yar cilmi baadhistii oo dhameystirana waxa ay udhigneyd sidan.




Cilmi-baadhis cusub oo ay sameeyeen khubaro u dhashay dalka Jarmalka, ayaa sheegay in ubadka habeenkii hela hurdo fiican inay yeeshaan xusuus aad u wanaagsan.




Sidoo kale, cilmi-baadhistu waxay tilmaantay carruurta aan hurdo ku filan helin in aanay waxbarashada ku fiicnaan, balse haddii ubadka la seexiyo xilli hore oo ay helaan hurdo wacan inay aad ugu fiicnaadaan tacliinta inta noloshooda u hadhay, xasuustooda maskaxduna wanaagsanaato. Dr. Jan Born iyo Dhakhaatiirta  daraasadda la sameeyey oo ka tirsan Jaamacadda Tuebingen ee dalka




Jarmalka, ayaa 28 carruura cilmi-baadhistan si khaas ah ugu sameeyey, iyagoo ku tijaabinayey inay riixaan badhan lagu amray iyo mid kale oo si khalad ah ku ag yaallay.




Ka qaybgalayaasha waxa la weydiinayey in ay xasuustaan badhankii lagu amray riixistiisa, waxaanay carruurta hurdada fiican helay markiiba si fudud u soo tuureen badhankii la baray taabashadiisa, halkaasna waxa lagu ogaaday in qofka hurda fiican seexdaa uu ka xasuus wanaagsan yahay kuwa aan helin hurdo ku filan.




Daraasaddan oo lagu daabacay magazine la yishaa Nature Neourscience, waxa kale oo ay xustay in carruurtu ka xusuus fiican yihiin dadka waaweyn, iyagoo cilmi-baadhayaashuna caddeeyey in marka ubadku seexdaan maskaxdoodu si fiican u nasato.




Waxa kaloo Dr. Born uu sheegay in faa.iidada hurdadu carruurta u leedahay daraasado badan laga sameeyey.




Cilmi-baadhistani waxay daaha ka qaadday inay carruurtu waxyaabaha maskaxdooda ku kaydsan si fiican u soo tuuraan hadday habeenkii hurdo fiican helaan, taasna ay ugu wacan tahay maskaxdooda oo nasata.




Macluumaadkaannu helnay waxay ku tusayaan in ubadku maskax fiican ku yeeshaan be,adooda haddii ay si fiican u seexdaan waqtiyada habeenkii, cilmigana ku wanaagsanadaan, ayuu yidhi Dr. Born.




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com