Saturday, August 17, 2013

Hargeysa: Magaalo u Mushxaradda Madaxweyne Muraayadaha ka Dalacda!Warbixin:Wariye Saleban Kalshaale


Hargeysa(GNA)-Waxay  ahayd Jidka  weyn ee Dib u dhiska iyo Qurxinta lagu sameeyay ee hor mara Qasriga madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa , saacaduna waxay cago-cagaynaysay abaaro 9:45 Daqiiqo.




Saxmadda gaadiidka iyo Dadka ayaa is-oogsaday agagaarka Madaxtooyada ilaa Badhtamaha Suuqa  oo ah meelaha ugu dadka badan xiliyada shaqadu socoto Magaalada hargeysa, waxaana Waddooyinka laga maqlayay Hoonka Gawaadhida , Bulaamka Dadka  iyo Siidhiga Ciidanka Taraafikadda oo cirka isku shareeray.




Waxa Jidka Hareerihiisa taagnaa oo foojignaan iyo dareen weyn laga dheehanayay Askar kala duwan oo qaarkood Garabka ku siteen Derejooyinkii dhawaan la siiyay, kuwaasoo isugu jiray Ciidamada Asluubta ee Koofiyadda  Dooga ah sida iyo kuwa Bilayska oo Shaadh Cad iyo Surwaal Madow xidhan,, halka kuwa nabad-gelyada waddooyinku Gaadiidka kala horeyeen iyagoo dhex taagan Waddada Baabuurtu marayso.




Ciidanka ayaa ilaa Subaxnimadii hore dhoobnaa Laamiga Hareereheeda, waxaanay ahayd arin caado ah oo aan ugub ku ahayn Bulshada, kuwaasoo mar kasta oo  Madaxweynuhu Madaxtooyada ka soo baxayo Saacado ka hor la sii dhigo Wadooyinka Magaalada, manuu jirin wax muran ah oo u dhexeeyay Ciidanka iyo Dadweynaha Garbiyada wadada tubnaa.




Hase ahaatee waxa jiray Mashquul dhanka waddooyinka ah iyo Jahawareer soo waajahay  socodka Gaadiidkii Marayay Jidadka Suuqa u dhaw,ka dib markii saacad Rubuceed Baabuurta laga joojiyay Wadada isku xidha Madaxtooyada iyo Madaarka Caasimada oo uu Maanta oo sabti ah madaxweynuhu furyay Dayactir lagu sameeyay Dhabadda Diyaaraduhu maraan.




Dadka qaar ayaa Baabuurtii ay wateen dhigay Laamida Hareereheeda, qaarkoodna waxay Lix Haad ka samaysteen hal waddo oo loo furay, taasoo ah jidka Labaad ee Caasimada dhex mara oo ah Dariiqa isgoyska Togdheer, halkaasoo boqolaal gaadhi oo Wadeyaal deg-degayaa wateen qaarba Jiho isu barbar yaacayeen.




Waxaanay arinta ugu la yaabka badanayd ahayd markii ay Isgoyska Togdheer hal mar isku soo gaadheen Boqolaal gaadhi oo Bari, Galbeed, Waqooyi iyo Koonfur ka kala yimi, kuwaasoo Askartii kala hagaysay ku dhaex dawakheen , ka dib markii ay sida Geel Dhigaan Milix loogu shubay hareeraha kaga soo qamaameen Sero Isgoyskaasi.




Taasoo hakad weyn gelisay socodka Gaadiidka, isla markaana dad badan solansiisay inay lumiyaan wakhti badan oo ka mid ahaa Hawl-maalmeedkooda, iyadoo ay meesha ka baxday Muraadyadii Cisbitaalka guud ee Magaalada loo Imanayay oo ka mid ahaa waxyaabaha daruuriga ah ee ay arintani saamaynta ku yeelatay.




Afar Ridoodka u dhexeeya Madaxtooyada iyo Cisbitaalka guud ee Caasimada ayaa isuguna ka mid ahaa jidadka Xayiraada lagu soo rogay, halkaasoo ahayd meesha ugu horeysay ee Madaxweynuhu kula kulmo dadka rayidka ah marka uu Madaxtooyada uga soo dhaqaaqo dhinaca Bari.




Gaadiid  Ciidanka Asluubtu leeyihiin ayaa lagu jaray Wadooyinka ka kala yimaada Koonfur iyo Waqooyi, halka Wadada kale ee weyna loo baneeyay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo ) oo ay gelbinayaan tobanaan Gaadhi oo Midabo kala duwan iyo Moodaale kala nooc ah, waxaana halkaasi tubnaa tiro dad ah oo Rag iyo Dumar isugu jira, kuwaasoo nasiib u helay inay noqdaan dadkii ugu horeeyay ee Madaxweynuhu Indhaha saaro markii uu madaxtooyada ka soo baxay.




Filashada dadkan oo laga dheehanayay inay madaxweynaha Salaan gacan taag ah la gaadhaan, ayaa wajiyadooda laga dheehanayay Shucuur ka turjumaysa Farxad iyo inay madaxweynahooda arkaan, iyadoo ay qaarkood u muuqdeen kuwo aragtida madaxweynaha oo qudha ku qanacsan .




Hase ahaatee amin la gaadhay soo bixitaankii Madaxweynaha ayaa la maqlayay Dhawaqa Gaadiidka Ambulance-ka ee madaxweynaha galbinayay, waxaana dadweynaha hortooda soo maray tiro baabuur ah oo ay saaranyihiin Unug ka mid ah Ciidanka Bilayska, waxaana xigay Gaadhiga taliyaha Bilayska oo dhinac ordayay Gaadiidkii kale ee ay wateen Masuuliyiinta Madaxweynaha la socday oo qunyar soconayay.




Dadka qaar ayaa markaasi indhaha ku bidhaaminayay gaadhiga Madaxweynuhu la socdo, kaasoo aan badanaa aan si fudud lagu aqoonsan balse, la ogaado marka uu shacbiga u dareen celinayo.




Nasiib daro dadkii halkaasi ku sugnaa oo ay Dumarku mushxaradayeen ayaan fursad u helin inay Madaxweynaha iyo Gaadhigiisa toona arkaan, maxaa yeelay? Madaxweynaha ayaan wax Ixtiraam ah iyo qadarin siin dadkaasi, isla markaana aan ka dareen celin heelanaanta dadkii uu goobtaasi ku maray sababtay doontaba haku timaadee.




Arintan ayaa markii ay dhacday, waxa dhegahayga ku soo dhacayay  Dhawaqa isweydiinaysay Gaadhigii uu madaxweynuhu saarnaa iyo Haweenkii oo Mushxaradii intay jareen qosol iyo sacab teel-teel ah ku bulaamayay, waxaana dhamaan dadkii halkaasi tubnaa wajiyadooda laga dareemayay Khaso iyo sida ay uga xunyihiin Xawaaraha uu Madaxweynihii ay laabta u fureen ku dhaafay.




Waxaanay dhacdadani ka dhignayd Hal ku dhiga Qormadan ee ah Hargeysa Magaalo u Mushxaradaysay Madaxweyne Muraayadaha ka dalacday!




Dhinaca kale marka la eego dib u soo noqoshadii Madaxweynuhu may ahayn mid ay dadku sidii hore suuqyada iyo goobaha shaqada ku ahaayeen, hase ahaatee waxay ku soo beegantay xiligii Rawaxaada ee dadku nasashada iyo hadhimada u dareereen , waxaana markaasi lafteeda Mashquul noqday Jidadka Wadnaha Magaalada, kuwaasoo u xidhmay si la mid ah sidii ay gelinkii hore xaaladu noqotay, inkasta oo hadii aan khaldanayn ay wax ka khafiifsanayd.




Si kastaba ha ahaatee dhibaatooyinka ay Bulshada Reer Hargeysa kala kulmaan Socdaalka suuqyada ee  madaxweyne kasta oo ay soo doortaan, ayaan ahayn mid ku kooban Cahdigan Xukuumadda siilaanyo, hase ahaatee soo taxnaa ilaa xiligii Daahir Rayaale.




Dadka qaar ayaa mooda in madaxweynuhu iska Ilaalinayo Boodhka iyo Siigada ay Baabuurta lagu gelbinayaa kiciyaan, qaarna waxay arintan ku fasishaan inay ka turjumayso Digteytarnimo siyaasadeed oo wali waddanka ku sii baaqi ah. 




Mana muuqdo ilaa hada Qorshe lagu bedelayo dhaqankan oo Kalsooni badan ka lumiya Madaxweyneyaasha , isla markaana dadka  laabtooda ku beera cabsi iyo dareen lumiya taageeradii ay u hayeen.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com