Hargeysa(GNA)-Wiil da’diisa lagu sheegay 11 Jir, ayaa maanta ku dhacay Berked nooca biyaha lagu kaydsado ah oo ku taala Xaafadda Faluuja ee degmada Sheik Muuse Ducaale, kaasoo dhintay ka dib markii ay Berkaddu liqday.
Berkadan oo ah mid joog aad u dheer hoos u qodan, isla markaana loogu talo-galay inay dadka Xaafadaasi biyaha ka cabaan, ayaa Wiilka yar ee dhintay Magaciisa lagu sheegay Mawliid Maxamed Cabdi,kaasoo sida la sheegay ka mid ahaa caruur ku dabaalanaysay Berkeddaas.
waxaana goor dambe Maydkiisa laga soo saaray Biyaha, isagoo wakhti kooban ku jiray, sida ay goob-joogayaal Xaafadaasi ku sugani Gobanimonews u sheegeen.
Ciidanka Bilayska ayaa Maydka wiilka yar ee dhintay u soo qaadayu dhinaca Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, si loo baadho Kiiska dhimashadiisa, sida ay Saraakisha amaanka ee Xaafadu Gobanimonews u xaqiijiyeen.
Dhinaca kale, waxa dadka deegaanku noo xaqiijiyeen in berkadan aan mudo dheer biyo laga cabin, isla markaana mudo markii la isticmaalayay dadku ka kaaftoomeen, dabadeedna ay Ilaalinteeda iyo munaafacaadsigeeda ay la wareegeen qoysas ka agdhaw oo halkaasi degen.
Haweenay ka mid ah dadka ay Jaarka yihiin Qoyska Wiilkan yari ka dhintay ayaa Gobanimonews u sheegtay “Berkaddan Hay’ad baa noo dhistay markii meesha la soo degay, waxaanay hoos u qodantahay joog aad u dheer, ka dib mudo markii mudo la Isticmaalayay waa layska daayay, waxaana la wareegay oo Biyaha ku dhaca Iibsada Reeraha ag degen, waanay dayaceen oo waxay ahayd inay Ilaashadaan hadii ay ku shaqaysanayaan, laakiinse waa markii labaad ee Ilmo Caruur ahi ku dhinto”.
Haweenaydan oo magaceeda qarisay, ayaa intaasi ku dartay “Iminka Inanka yar ee dhintay waxa dhalay qoys iska danyar ah oo aad u dhibaataysnaa, sanadkii horena markii Ramadaan baxday ee Maalintii labaad ee Ciida ah oo maanta ku beegan ayaa Inanyari ku dhacday oo ku dhimatay, markaa Berkadani dhib badan ayay ku haysaa Bulshada Deegaanka”.
Dhanka kale Saraakiisha amaanka ayaa ka gaabsaday inay bixiyaan faahfaahin ka badan in la baadhayo sida uu Kiiskani u dhacay, waxaanay wariyeyaal ka tirsan Gobanimonews oo meesha Berkaddu ku taalo tegay loo sheegay inay dhamaan Guryahooda ka baxsadeen dadkii joogay Guryaha Berkeddu ka ag qodantahay ee lagu eedeynayo inay dayaceen Ilaalinta berkadan ay munaafacaadsadaan.
Si kastaba ha ahaatee wariyayaasha ayaa la kulmay tiro ka mid ah Bulshada Xaafadda oo si weyn uga walaacsan halista Berkeddani u leedahay Ubadkooda, maadaama aanay lahayn Dayr ama ood ay kaga joogsadaan iyo dad Ilaalinaya toona, waxaanay dalbadeen in dhakhso looga aaso hadii kale ay iyagu gacantooda ku aasi doonaan.
Berkadan ayaa ah mid ka duwan kuwa hada laga sameeyo goobaha dadka Baro-kacayaasha ah la dejiyo, waana mid hoos u qodan oo dad iyo duunyaba ku sababi karta inay si fudud ugu dhacaan, taasoo sababtay in waalidiin badani wadnaha farta ku hayaan xiliyada ay caruurtu dibada ku ciyaarayso.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com