Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Ururkii Xaqsoor ee Doorashada golaayasha deegaanka ku hadhay Xasan Ciise Jaamac, ayaa mar kale difaacay ula jeedada loo aasaasay Golaha wada-tashiga iyo toosinta Qaranka, waxaanu sheegay inaan Golahaasi ahayn Golle siyaasadeed oo la dhibsado.
Xasan Ciise oo maanta la hadlay Warbaahinta, ka dib markii uu in mudo ah ka maqnaa shaashadaha siyaasadda, dadka qaarkiina sheegayeen inuu ka baxay Golahan wada-tashiga ee uu difaacayo oo uu ka mid ahaa Ashkhaastii hindistay, ayaa isagoo sharaxaya kelmada Golle ee Xaasaasiyada siyaasadeed ka dhalatay waxa uu yidhi “horta kalmada Gole waxa weeyaan mid afsoomaali ah oo aan cidina ku dhaganayn markii eraygaasi soo baxayna mid distoori ah muu ahayn, mana aha mid loo isticmaalayo si distoori ah cidina ma sheegan karto gole dastuuri ah oo aan ahayn golayaasha qaranka , cida sheegataana waa mid xumaan u badheedhay, ama cid aan garashadeeda lahayn, odoyaashan golaha lagu tilmaamayna mar kaliya may sheegan gole dastuuri ah”.
Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay “kalmadana afsoomaali ahaan ayey u isticmaalayeen,shaqada uu distoorku cid cayiman siiyey cid isku xilsaartay may ahayn ama la tartamaysa ama doonaysa inay distoorka buriso, waxay ahaayeen koox reer Somaliland ah oo dadka iyo dalkaba wanaag la jecel oo la yaqaano oo taariikh leh dadkuna ka war hayaan, aanay ku jirin cid looga baqo Somaliland, waana dad aanay cidna uga lexejeclo badnayn midnimada iyo wada jirka umada Somaliland, waxay ahaayeen niman hore isku arki jiray imikana isku tagay si ay talo ugu biiriyaan qolada talada wadanka haysa, mana aha urur siyaasiya oo samaysmay, mana aha xisbi cusub oo samaysmay, waa kulan aan distoor ahayn oo caadi ah kaas oo la mid ah kulamada maalin kasta ka dhaca gobolada Somaliland ee talada laysku wardaarsanayo, inay cidina ka sasto may ahayn inay cidina sharaysato may ahayn, waxay ahayd cidii caafimaad qabta ee wadanka wanaag la rabtaa inay soo dhawayso, nasiib daro sidaa lagama helin meelaha qaarkood oo xajiimayn iyo canbaarayn aan meesha qaban ayaa soo galay.
Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo hadalkiisa sii wata ayaa faah faahin ka bixiyay sida uu ku yimid golaha madaxa banaan ee wada tashiga iyo toosinta qaranka, waxaanu sheegay inay golahan ku jiraan siyaasiyiin ka kala tirsan xisbiyada Kulmiye,Ucid, Waddani iyo urur siyaasadeedka Xaqsoor waxaanu yidhi “arinta golaha waxa soo jeediyey Faysal Cali Waraabe anaga oo Xaqsoor ahina waanu ku taageernay inta aanu ka tashanay, waxa weeyaan taladu waxay ahayd in talo qaran layskugu yimaado oo wanaaga wadanka laga hadlo”.
Xasan Ciise Jaamac ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan siyaasiyiin xisbiga Kulmiye ku jira oo ka qayb-gala Kulamada Golaha wada-tashiga, arintaasoo ah mid cusub oo aan meesha laga filayn, isla markaana dareen ka dhex abuuraysa xisbiga talada haya ee Kulmiye, oo Guddoomiyahoodu hore uga gows adaygay inuu warbaahinta ka maago Golahaasi.
“waxa jooga oo kulamada golaha ka qayb gala niman kulmiye ah oo qaarkood warbaahinta ka hadlayeen, waxa kale oo ka qayb gala niman Ucid ah iyo niman Waddani ah oo madaxda sare ah,Xaqsoorna niman dhawra ayaa ka qayb gala,waana arin aanu hore u taageernay iyada oo wakhtigii doorashooyinka laga soo gudbay ee arimihii doorashooyinka ee foosha xumaa lagaga tashanayey”.ayuu yidhi.
Isla arinta Golaahasi Mujaahid Xasan Ciise Jaamac isagoo ka hadlay wuxuu soo hadal-qaaday faro-gelintii salaadiintu ku samaysay muranka Golaha iyo natiijada ka soo baxday
“Salaadiintu way saxsanaayeen markii ay arkeen dhinaca xukuumada qaar badan oo ka mid ah inay ka dideen arintii golaha, inay soo dhex galaan oo arinta ay gacanta ku dhigaan si aanu wadanka khal khal uga dhicin oo wanaag ka taliyaan waanan ku hanbalyeynayaa , arintan danbe ee mad madaw soo galayna wax weyn maahee waa wax yar oo la dhameeyey sida aan ka war hayo oo sidii salaadiintii ay madaxweynaha u shaaciyeen markii ay madaxweynaha arkeen ee ay yidhaahdeen waxaanu soo aragnay niman gole lagu tilmaamay balse wax xumaana aan wadan, markaa taas ayeynu ku soconaynaa.”ayuu yidhi.
Hadalka Xasan Ciise ayaa meesha ka saaray tuhun laga qabay inuu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo siyaasiyiinta Golaha ku jira, waxaanu dhinaca kale dib u soo noolayn u yahay qorshihii salaadiintu dhexdhexaadinta kaga jireen inay isu soo dhaweeyaan Xukuumadda iyo Golaha.
Dhinaca kale Xasan Ciise mar uu ka hadlayay halka ay ku dambeeyeen wadahadaladii u socday Ururkii Xaqsoor iyo Xukuumadda, wax natiijo ah oo ka soo baxday muu sheegin, wuxuuse carab-baabay inay Urur ahaan wali Al-baabkooda wada xaajoodku u furanyahay dhinacyada siyaasada Somaliland oo dhan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com