Monday, August 12, 2013

Cilmi baadhis: Isticmaalka Facebook !


(GNA)  Kadib markii uu aad u batay Isticmaalka Aalada Internetka oo Tan ugu badan ee Xidhiidhisa bulshowaynta Daafaha Caalamka ku kala nool, ayna soo baxeen Lamaanayaal badan oo iska dhex Doortay Aaladaasi Gaar ahaan Tan Facebook ayay Khubarada iyo Jaamacadaha Duniduna isku Taxalujiyeen inay ka Helaan Xogo dhab ah Isticmaalka Aaladaha Internetka oo Saacad kaste ay u fadhiyaan Malaayiin ruux.




Xog-ururin ballaadhan oo ay samaysay Jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriiska, qaybteeda cilmi-nafsiga, ayaa lagu ogaaday lammaayaasha iska barta mareegtada internetka dadku ku kulmaan ee Facebook inay mustaqbalka guurkooda dambe soo food-saarto carqalad weyn, taas oo aakhirka ka dhigta laba qof oo aan isku qanacsanayn, nolol qoysna sii wadaagi karin.




Cilmi-baadhistan oo laga sameeyey 3,500 lammaane oo baraha internetka ee bulshadu ku kulmaan aad u isticmaala sida Facebook, Emails iyo Tweets, waxa lagu xaqiijiyey aakhirka qoysaska xidhiidhkaas ku dhisma in muran iyo khilaaf ba'an soo kala dhex galo.




Dr. Bernie Hofan oo ka tirsan qaybta Internetka ee Jaamacadda Oxford, ayaa soo jeediyey in la iska daayo isticmaalka badan ee mareegaha dadweynuhu isku arkaan waqtiyada xaaslayda la noqdo, isagoo arrintaas ku sababeeyey in culays badan qofka fuula darteed inuu haleeli waayo lammaanahiisa, sidoo kalena ka shakiyo dadka uu xidhiidhka la samaynayo jacaylkiisu.




Isticmaalka mareegahan waqtigan casriga ah waa arrin cusub, balse ma aha wax sidaas u muhiim ah. Waxay dadku qabatimeen isticmaalka barahan, in la isticmaali waayaana ma fiicna, laakiin in xad-dhaaf loogu mashquulo ayaa ka sii xun, waxaanay galaafanaysaa farxadda qoyskaaga iyo qofka aad jeceshahayba, ayuu yidhi Dr. Bernie, oo intaasi ku Daray in Gabi ahaanba uusan Fiicnayn Jacaylka Aalada Internetka lagu abuuro Gaar ahaan kan Facebook.




Xog-ururin kaloo laga qaaday waddanka Ingiriiska oo ku saabsanayd caadaysiga baraha internerka ee bulshadu ka wada xidhiidho Social Media, ayaa iftiimisay in 62 milyan oo saacadood maalin kasta dadka dalkaas ku nooli ku lumiyaan isticmaalka mareegaha Facebook iyo Twitter.




Sidoo kale, xogta Jaamacadda Oxford soo bandhigtay, ayaa iyaduna caddaysay in dadka Ingiriisku 34 milyan oo saacadood maalin kasta ku lumiyaan Facebook, halka barta Twetter-kana isticmaalkeedu Gaadhay maalintii 28 saacadood.





Diyaariye:C/qaadir Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com